Ey Shan Toddobaad Ka Hor Baddu Liqday Oo Isagoo Nool La Helay

 

Dhacdooyinka caalamka

 Ciidamada maraykanka ee xeebta jasiirada San Cataina ayaa badbaadiyay ey mawjadaha baddu sitaan kaas oo muddo shan toddobaad ah marba dhan baddu u qaadaysay hasa yeeshee markii ay heleen xaaladiisu fiicnayd eygan ayaa badu liqday shan todobaad ka hor markii uu ka dhacay dooni uu watay ninkii rabaystay oo kaluumaysanayay

Markii mawjadaha badu qaaday eygan ayuu ninkii lahaa la xidhiidhay kooxaha gurmadka ee xeebta gobolka california kuwaas oo baadi doon qaatay dhawr maalmood ka dib ku dhawaaqay inay ka quusteen una malaynayaan inuu dhintay oo aanu noolayn sida uu ku waramay telefishanka ABC-10 ee dalka maraykanku

Waxa si rasmi ah looga quustay eygan waxaanu ninkii lahaa eygani niyaystay in aanu mar danbe arki doonin oo sidii mawjadaha badweyntu u kala qaaday ay abid u kala maqnaan doonaan hasa yeeshee mar kale ayuu farxad darteed la ilmeeyay markii lagu wargeliyay in la helay eygiisi oo nool oo caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay

Ciidamada badbaadiyay ayaa telefishanka u sheegay in markii ay heleen eygani uu aad u gaajaysnaa lagana dareemayay daal badan iyo rafaad uu kala kumay mawjadihii bada ee liqay oo aad u kacsanaa dhawrkii todobaad ee uu ku jiray oo dhan. waxa aanu siinay cunto nasashana wuu qaatay

Ka dibna waxaanu u celinay ninkii lahaa oo isna sugayay aad ayaanay labadooduba isugu farxeen markii ay dib u kulmeen ayuu yidhi askari ka mid ah ciidamadii helay eygan oo telefishanka u waramayay

Post a Comment

0 Comments