Afhayeenka alshabaab ayaa sheegay in aysan wadahadal la geli doonin dowlada somaliya

Al-shabaab


 Kooxaha argaagixasada al-shabaab ayaa sheegtay inay wadahadallo aysan la galaynin dawlada somalia ayna diyaar u tahay dagaal in ay ku kala baxaan xili kooxda Jab iyo burbur kala kulantay dagaallo iyo kacdoono ka dhan ah iyaga oo Isbiirsaday midaas oo dawlada Somalia iyo Shacabka oo iskaashanaya kula jiraan Kooxdan gabalkeedu dhacay ee argagagixisada ah dhanka kale ilo wareedyo hoose ayaa sheegaya inay kooxda aragagixisada al-shabaab dhexdooda ka qarxay 

Dagaal u dhaxeeya laba garab oo kooxda ah garab uu hogaaminayo Mahad karatay, iyo garabka hogaaminayaha kooxda ee axmed diiriye abuu-cubayda kala shaki xoogan ayaa kooxda aragagixisada al-shabaab soo dhexgalay midaas oo ka timid dagaaladii ay ku baxeen hogaaminta kooxda aragagixisada al-shabaab oo hal beel ah sida farxaan, qoorgaab iyo nadiir iyo ina daahir aweys midaas oo mahad karate oo ragan iskubeel yihiin ay dhininteen uu ka gadooday wuxuuna dagaal dhexmaray ilaalada axmed diiriye oo beesha mahad karate u badan waxaana dagaalkaas ku dhintay oo lagu dilay faruur oo ahaa taliyaha ilaalada khaaska ah ee axmed diiriye ah

Intii ay isheysteen alshabaab waxa ka faa'ideystay ciidamada dowladda oo guulo kala duwan ka gaaray kooxda Al-Shabaab saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay dib u soo ceshadeen dhulal ay muddo badan maamulayeen kooxda alshabaab ayaa xiriir la leh al-qaacida ayaa tan iyo sanadkii 2006-dii ayey ku dileen tobanaan kun oo rayid ah dagaalka ay kula jirtay dowladda dhexe ee soomaaliya oo uu caalamku taageero si loogu adkaado alshabab dalkane laga saaro si shacabka amni ugu noolaadaan

Dowladda soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay xayirtay akoonnada al-shabaab ee xawaaladaha iyo kuwa bangiyada dalka waxaa xusid mudan in dowladda soomaaliya ay maalmahan dagaal dhinacyo badan taabanaysa kula jirto kooxda al-shabaab oo ay ka mid yihiin howlgallada ciidamada iyadoo lagu bar-tilmaameedsanayo ilaha dhaqaalaha iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah

Post a Comment

0 Comments