Maxaa Ku Cusub Caafimaadka Maqaar Sanaaci Ah

 

Dhacdooyinka caalamka

 Culimadu waa dhaxalka anbiyada waa halku dheg nolol iyo Fir-fircooni galiyay ikhtiraaca iyo ka midho dhalinta shay kasta oo aadamigu u baahan yahay habeen iyo maalina waxa ay khabiirada iyo culimadu ka fikiraan sidii nolosha dad badan loo badbaadin lahaa haddaba waxa uu dhawaan mac-hadka fraunhofer institute ee magaalada stuttgart oo dalka germany 

Ku taala uu ku guulaystay inuu ikhtiraaco makiinad cusub oo farsamayn doonta walxo sida Maqaarka aadamiga oo kale ah kuwaas oo wax ka tari doona dadka gubta kuwa jidhkooda dhaawac iyo shil soo gaadhay googooyo iyo cidii maqaarka xanuun kaga dhaco intaba maqaarkan sanaaciga ah ayaa markii la farsameeyay lagu beeray qof dab wax yeeleeyay qaybo ka mid ah jidhkiisa

Waxaanay natiijadii muujisay in si wayn loogu Guulaystay talaabadaas sida ay ku doodayaan kooxaha hor kacaya tijaabadani waxa ay arrintani wax ka tari doontaa qurxinta iyo dib u soo noolaynta maqaarka sare dadka dhibaatadu ka soo gaadho maqaarka aadamiga ayaa ka kooban sadex qaybood oo si layaab leh isugu rakiban 

Laba qaybood oo kastana ay u dhaxeeyaan dheecaano difaac unugyo iyo dareerayaal ay adag tahay in wax u dhigma la helo hasa yeeshee tijaabadan ayaa muujinaysa in waxyaabahaasi samays ahaan walxaha ay ka kooban yihiin baadhitaano nus qarni socday lagu ogaaday qaar badan oo ka mid ah lana gaadhay xiligii maqaar sanaaci ah lagu beeri lahaa dadka

Inkasta oo ay jiraan tijaabooyin lagu guulaystay haddana in badan oo ka mid ahi may noqon kuwo midho dhala, waxaana taa ugu wacan kala duwanaanshaha dadka gaar ahaan dhiigooda unugyada jidhkooda iyo waxyaabaha kale ee rabaaniga ah ee maqaarka aadamuhu difaac iyo ilaalo ahaan u leeyahay

Difaacyada maqaarka ayaa ka ilaaliya, dhaxanta qoraxda, kulaylka iyo qabowga waxa kale oo ku jira maqaarka aadamaha dareemayaasha ugu badan hasa yeeshee mishiinkan oo la sheegay inuu awood u leeyahay samaynta 5500- oo qaybaha maqaarka ah ayaa wax badan ka taraya sidii dad badan oo dab ama shilal ka wax yeeleeyeen maqaarka dib loogu beeri lahaa

Post a Comment

0 Comments