Ciidanka Danab oo ka qabsaday degaano cusub Al-Shabaab

 

Danab iyo Alshabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal faraha looga gubtay uu saaka ka dhacay deegaanada inta u dhexeysa deegaanka halgan iyo degmada beledweyne ee xarunta gobolkaasi dagaalka ayaa yimid ka dib markii maleeshiyada al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen fariisimaha ciidanka xoogga dalka iyo xoogaga deegaanka ee macawiisleyda ku leeyihiin deegaankaasi

Daryanka sawaxanka hubka cul culus ayaa saaka laga maqlayay deegaanka halgan iyo deegaanada kale ee ku xeeran sida laga soo xigtay dadka deegaanka weerar kale oo midkan barbar socday ayay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamadu ku leeyihiin deegaanka beerayabaal oo dhaca duleedka degmada buulo burde

Shabaabka ayaa axaddii ku jabay weerar ay ku qaadeen fariisimaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka jicibow oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan degmada buulo burde gobolka hiiraan oo xudun u ah Kacdoonka Shacabka ee ka dhanka ah maleeshiyada alshabaab ayaa ah furinta keliya ee uu dagaal toos ahi ka soconayo shabaabka ayaana toddobaadyadii la soo dhaafay dareemay in culeys weyn uu ka soo wajahay gobolkaasi

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in degaanada ay ka qabsadeen al-shabaab ay kasoo qaadi jireen weerarada ka dhanka ah ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka howlgalkan ayay sheegeen in ay sii socon doonaan tan iyo inta laga saarayo al-shabaab ciidanka dowladda soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay howlgallo ka dhan ah al-shabaab ka waday gobolka hiiraan

Post a Comment

0 Comments