Mareykanka oo 10 milyan oo dollar ku bixinaya xogta maaliyadeed ee Al-Shabaab iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda

  

Mareykanka iyo Al-shabaab

  Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyso xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda al-shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed barnaamijka abaalmarinta caddaaladda ee waaxda arrimaha dibadda mareykanka oo ay maamusho waaxda nabadsugidda diblomaasiyadda ayaa kordhinaysa oo illaa $10 milyan gaarsiineysa 

Abaal-marinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah axmed diiriye, mahad karate, iyo jehad mostafa barnaamijka abaalmarinta caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa sidoo kale yaboohaya illaa $10 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda al-shabaab

Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay waaxda arrimaha dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee al-shabaab axmed diiriye oo ahaa amiirka al-shabaab tan iyo bishii september 2014 ayaa liiska argagixisada caalamiga ee Mareykanka (SDGT) lagu daray april 21, 2015, mahad karate ayaa isna liiska lagu daray isla april 21, 2015 mahad karate waa amiir ku-xigeenka ama amiir ku-xigeenka dadban ee al-shabaab wuxuuna weli hoggaamiyaa qaar ka mid ah howlgallada al-shabaab

Jehad Mostafa waa muwaadin mareykan ah oo horey u deganaa gobolka california mostafa wuxuu tababare militari kasoo noqday xerooyinka tababarka al-shabaab sidoo kale waa hoggaamiyaha ajaaniibta al-shabaab hoggaamiyaha garabka warbaahinta al-shabaab iyo dhex-dhexaadiyaha al-shabaab iyo ururada kale ee argagixiso al-shabaab waxa ay weli ku tiirsan tahay shabakadaha maalgelinta iyo fududaynta si ay usii waddo hawlgalladeeda oo ay u qorsheyso weeraro argagixiso oo caalami ah

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay abaal-marin ku bixineysaa xogaha horseedaya aqoonsiga iyo carqaladaynta ilaha muhiimka ah ee dhaqaale ee al-shabaab oo ay ku jiraan ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee gudaha deeqaha dhaqaale ee ay bixiyaan deeq-bixiyayaasha iyo fududeeyayaasha maaliyadeed kala wareejinta maaliyadeed ee ay sameeyaan hay’adaha maaliaydeed ganacsi kasta ama maalgashi kasta oo ay leedahay ama ay maamusho al-shabaab ama maal-geliyayaasheeda 

Dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee shirkadaha ku xiran al-shabaab iyo hawlgallada afduubka madax-furasho qorshayaasha maaliyadeed ee sharci darrada ah iyo wareejinta maalgelinta iyo agabka ay al-shabaab siiso argagixsada iyo maleeshiyada saaxiibada ah iyo kuwa la shaqeeya 

Post a Comment

0 Comments