Lixdan jir maraykan ah oo saaruukh uu gacantiisa ku sameeyay ku duulay

 

Dhacdooyinka yaabka leh

 Oday lixdan jir da’diisu tahay oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa kaga dhabeeyay riyadiisi uu muddada dheer ku taamayay waxaanu maalintii shalay ku duulay gantaal uu gacantiisa ku sameeyay kaas oo uu doonayay inuu ku xaqiijiyo qaab dhismeedka dhulku u samaysan yahay

Odaygan oo lagu magacaabo Stennis Mike Hughes ayaa ka mid ah dadka sida wayn uga soo hor jeeda in dhulku sida kubada oo kale u samaysan yahay waxaanu sida uu sheegay uu aaminsan yahay in dhulku balaadhan yahay oo aanu goobo ahayn

Ninkan odayga ah oo dhamaadkii sanadkii hore doonayay inuu saaruukhan uu gacantiisa ku sameeyay ku duulo ayaa ka baaqday ka dib markii maamulka degaankiisu u diiday hasa yeeshee dhawaan ayaa la siiyay rukhsada duulista ee gantaalkiisan ka dib markii nabad galyadiisa la sugay

Waxaanu maalintii shalay ka haaday gobolka california isaga oo masaafo dhan shan boqol iyo todobaatan mitir kor u duulay oo hawada sare u galay ka dibna dul maray magaalada Impoy loogu yeedho oo ku taala koonfurta Los Angeles ka dibna isaga oo adeegsanaya dalaayaad ama baarashuut ku degay meel afar boqol iyo konton mitir u jirta goobtii uu ka duulay

Ninkan ayaa sheegay inuu ku guulaystay isku daygiisi koowaad waxaanu balan qaaday inuu sii wadayo ilaa uu ka samaysanayo gantaal suura gal uga dhigo inuu aragtidiisa ku soo xaqiijo oo uu soo kala ogaado in dhulku goobo sida beedka ah oo kale yahay iyo inuu balaadhan yahay sida uu aaminsan yahay

Post a Comment

0 Comments