Samantha Ramsdell oo noqotay haweeneyda ugu afka weyn Caalamka

 

Dhacdooyinka caalamka

 Maamulka diiwaanka Mucjisooyinka iyo dhacdooyinka la-yaabka caalamka lagu kaydiyo ee guinness world records waxay xaqiijiyeen in diiwaan geliyeen haweeneyda ugu afka ballaaran dumarka ku nool dalalka caalamka

Samantha Ramsdell oo 31 jir ah kuna nool gobalka connecticut ee dalka maraykanka ayaa ka mid ah xiddigaha ugu caaansan barta TikToK ee warbaahinta bulshada (the social media) waxaa barteeda ku xiran macaamil tiradooda dhan tahay 1.7 million tiktok followers

Diiwaanka Guinness World Records waxa cabirka afka samantha ramsdell ku sheegeen 6.56 centimeters ama 2 iyo bar hiish (inches) iyadoo marka afkeeda kor ahaan loo cabiray uu haaran in ka badan 10 cm ama 4 inches markaynu si kale u dhigno ballaarka afkeeda waa 4.51 cm halka dherer ahaan uu ka yahay 4.04 cm

Haweeneydaasi waxay tilmaamtay inay had iyo jeer isku aqoonsanayd inay afka weyn leedahay balse aysan ku dhawaaqin ilaa ay tiktok-ga carruurta children tiktok tilmaameen in laga yaabo inay iyada leedahay diiwanka cabirka ee afka tasi oo ku dhiiratay inay isku diiwaan geliso

Marnaba kuma fekerin inay suurtogal tahay inaan caan ku noqon doono afkayga ayey tiri samantha ramsdell oo loo aqoonsday haweeneyda ugu afka weyn guud ahaan haweenka ku nool caalamka

Post a Comment

0 Comments