Saddex qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo lagu aasay dhulka ayaa ka dhacay gobolka hiiraan

 

Al-Shabaab

 Wararka ka imaanaya deegaanka Buq Aqable ee gobolka hiiraan ee bartamaha soomaaliya ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu qarxiyay wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkaasi ay ku dhinteen 3 ruux oo uu ku jiro Aabe iyo wiil uu dhalay waxaana sidoo kale kamid ah dadka dhintay sheekh caan ah oo ka mid ah dadka deegaanka oo lagu kala magacaabo xasan xuseen iyo mukhtaar xaaji sida ay sheegtay warbaahinta 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dagaalyahannada al-shabaab in ay miinooyin ku aasayaan waddooyinka gobolka hiiraan kadib markii ay ka hortagi waayeen kacdoonka shacabka oo ay taageerayaan ciidamada qalabka sida qoraalka ayaa intaas ku sii daray in howlgallo bilow u ah fulinta aragtida dowladda soomaaliya ee ku aadan in kooxda al-shabaab laga xoreeyo dalka ay ka socdaan meelo badan oo dalka ka mid ah

Ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka, oo is kaashanaya ayaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ka xoreeyay in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaalla galmudug, hirshabelle iyo koonfur-galbeed laguna dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay al-shabab ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu bulshada rayidka ah ee deegaanadaas

Iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah sidoo kale waxaa bayaankaan lagu cadeeyey in dawladda soomaaliya ay ka go’an tahay inay shacabka ka dulqaado tacadiyadda al-shabaab ee 15-sano jirsaday waxaa dowladda ka go’an in la ciqaabo dambiilayaasha dawladda ayaa bayaankaan ku bogaadisay ciidamada qaranka iyo dadka xaq-u-dirirka ah ee hubka u qaatay in ay diidaan dullaysiga al-shabaab

Hawlagaladdu waa sii soconayaan  si joogto ah ayaanan dadka soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa hadba halka ay xaaladdu marayso si kastaba hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo kooxda al-shabaab iyo ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya maleeshiyaadka macawiisleyda


Post a Comment

0 Comments