Soomaaliya oo 30 sano dagaal iyo colaad ka jiray ayaa hada ka huray kacdoon shacab oo lagu ciribtirayo al-shabab

 

Kacdoonka shacabka

 Shacabka Soomaaliyeed waxay soo mareen ku dhawaad ​​30-sano oo dagaalo iyo colaado sokeeye kana dhigay inay dib u dhacaan horumarka iyo nabada dalalkaa afrika waxayna soo mareen sanado madow oo dagaalo iyo colaado ka dib dadka soomaaliyeed waxay u jeesteen nabad iyo dib u heshiisiin isla markaana ay dhisteen dawlad ka talisa sharciga horumar iyo amnig heerarkeeda kala duwan iyo in la helo adeegyada aasaasiga ah

Al-shabaab waxay xiriir la leeyihiin Alqaacida iyo Daacish waxayna dalka geliyeen amni daro iyo dagaalo waxayna hor istaagteen xaqiijinta amnigaas oo ku jiray jawi amni nabad iyo horumar ay dadku ku taamayeen in ay gaadhaan kuna noolaadaan kooxda xagjirka ah ee sida sharci darrada ah u daadinayaan dhiiga shacabka aan waxba galabsan kuma dhaqmaan diinta islaamka ee saxda ah iyo mabaadi’da aadanaha laakin shacabka soomaaliyeed ayaa ka dhabar adeegay sanadahaas iskumana dhiibin argigixisada waxayna go’aansadeen in ay ka hortagaan 

Wax walba oo ay awoodaan si ay u difaacaan xuquuqdooda sharciga ah ee ay ku nool yihiin kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah argigixisada ayaa ka bilowday gobolada dhexe koonfur iyo galbeed ee dalka si ay u diidaan cadaalad darada iyo gumeysiga ay ku hayaan kooxda xagjirka ah iyagoo ku qasbaya in ay bixinayaan lacago xaq darro ah iyo xoolo ayna u dheertahay in caruurtooda laga qaato xoogna lagu  askareeyo

Maleeshiyada argigixisadu waxay kaloo ku hawlan yihiin sidii ay dadka shacabka ah u go’doomin lahaayeen iyagoo jaraya waddooyinka iyo in ay gubaan ceelasha biyaha isla markaana gubaya gargaarkii loogu talagalay in la gaarsiiyo xilliyada ugu adag ee abaaraha iyo fatahaadaha sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasay wadooyinka ay maraan dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah waxaana taasi ay keentay dhimasho iyo dhaawac joogta ah ee loo geysto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo qaraxyada aan loo meel dayin ee ka dhaca xaafadaha ay degan yihiin shacabka masaakiinta ah

Shacabka soomaaliyeed waxa ay go’aansadeen in ay ka takhalusaan adoonsiga ay ku hayaan kooxda al-shabab waxayna qaateen hubkooda dagaalna ku qaadaan iyagoo garab ka helayaan ciidankan qaranka kacdoonka shacabka ee ka dhanka ahaa alshabab ayaa sababay in laga xoreeyo deegaano badan oo ay maamulayeen maleeshiyaad argigixisada ah oo ku sugnaa gobolada dhexe iyo kuwa koofureed ee dalka.

Kacdoonka shacabka ayaa taageero weyn ka helay dowladda federaalka taasi oo ku xoojisay howlgalada ciidan waxaana la siiyay ciidamo dheeri ah sidoo kale waxa ay taageero dhan walba ah u fidisay kacdoonka oo diiwaan geliyey xog hub iyo tababaro si habaysan loogu biiriyo ciidanka la-dagaalanka argagixisadu waxay u baahan tahay dadaal, iskaashi, iyo midaynta darajooyinka bulshada iyo dawladda, mas’uuliyadduna waxay saaran tahay cid kasta, guushuna waa lama huraan

Post a Comment

0 Comments