Khasaare xoogan ayaa ka dhashay weerarkii xagjirnimada ahaa ee alshabab ku qaaday hotel hayaat

  

Farmajo iyo alshabab

 Ciidamada ammaanka dowladda soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo geba-gebeeyey haysashadii kooxda Al-Shabaab ee hotelka hayaat ee agagaarka km4 ee muqdisho oo qaadatay 30 saac sida uu sheegay taliye sare ciidamada ammaanka waa ay soo afjareen howlgalka dhammaan dableydana waa ay dhinteen wax xabad ah naguma soo dhaceyn saacaddii tagtay ayuu yiri taliye la hadlay wakaaladda wararka

Sarkaalka ma sheegin tirada khasaaraha weerarka Hotel Xayat iyo tirada maleeshiyada al-shabaab ee la dilay weerarkan ayaa noqday kii ugu muddada dheeraa ee al-shabaab ku qabsadaan hotel ama xarun kale wuxuuna qaatay muddo 30 saac ah waa wareerkii ugu horreeyey ee al-shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii may 2022

Saraakiisha al-shabaab ayaa laga saaray magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda muqdisho sanadkii 2011-kii balse weli waxay ku sugan yihiin dhul aad u baaxad weyn oo miyi ah waxayna awoodaan inay qaadaan weeraro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada waxay xoojiyeen weeraradooda bilihii ugu dambeeyay weerar cusub oo argagixisanimo ayaa sii kordhiyey xanuunka soomaalida gaar ahaan caasimadda muqdisho taasoo ka dhigtay burbur

Waxaana ku dhintay 21 qof iyo 117 dhaawac ah oo ay ku jiraan 15 xaaladood oo halis ah waxaana muuqda in wada shaqeenta alshabab iyo Farmajo ay muuqaneyso waxaana ka dambeeyey qaraxaan kooxda farmajo ayna rabeen in ay cabsi geliyaan shacabka somaliyeed waa in laga hortagaa dhibaatadaan ay wadaan kooxdan maafiyada ah shacabka somaliyeed ayaana dalbanayaan in hay'addaha amniga ay gutaan waajibaadkooda ayna xabsiga soo dhigaan kooxdaan si dalka uu nabad u noqdo

Weerarkan oo ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah ee al-shabaab ee xiriirka la leh al-qaacida ayaa ku bilowday hub iyo qaraxyo fiidnimadii jimcaha waxaana uu socday hal maalin waxaana weerarkaas ku dhinteen dad fara badan halka qaarna ay ku dhaawacmeen waxaana masuuliyada weerarkaas sheegtay alshabab oo garab ka helayaan farmajo iyo fahad waxaana hotelka ku xayirnaa dad fara badan oo ka dib laga soo badbaadiyey dadaal badan ay sameeyeen ciidamada qalabka sida

Waxaana la soo gebagebeeyey subaxnimadii axadda waxaana shacabka dareemeen degenaasho agagaarka hotelka iyadoo waddooyinka ay xirnaayeen maalmahaas iyadoo amaankana si aad ah loo adkeeyay waxaana ciidamada gurmadka iyo khubarada ka hortagga qaraxyada ay damceen inay nadiifiyaan dhismaha oo ay ka qaadaan burburka dhismaha hotelka

Waxaana soo gaaray burbur xooggan oo ay isweydaarsadeen ciidamada dowladda soomaaliya iyo kooxaha hubeysan taasoo keentay in qeybo ka mid ah uu burburo iyadoo dad badan ay walaac ka muujiyeen eheladooda oo ku sugnaa gudaha hotelka ka dib markii uu weerarku billowday shacabka ayaana codsanayaan in xabsiga la soo dhigo kooxahan maafiyafa ah ee adeegsanayaan alshabab oo ay ka mid yihiin farmajo iyo fahad yaasiin

Post a Comment

0 Comments