Haween Gacantooda Ku Tolay Sijaayada Salaada Ee Adduunka Ugu Weyn

 

Dhacdooyinka caalamka

Sijaayada ugu weyn ee gacanta lagu farsameeyo ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha salaada ee dalka Iiraan, si loogu diyaariyo qaadista loo dhoofinayo masaajidkii loo sameeyay ee dalka isu taga Imaaraatka Carabta sijaayadan oo lagu farsameeyay dalka jamhuuriyadda Islaamiga ah ee iiraan waxa dhererkeeda lagu qiyaasay lix kilo mitir oo isku weera

Soo bandhigii sijaayadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin sar sare iyo dublamaasiyiinta dallalka Muslimiinta ah ee ka hawl gala caasimada Iiraan ee Dehraan, waxa hadal kooban ka jeediyay wasiirka dhaqanka ee dalka Iiraan, wasiirka ayaa sheegay in waynida sijaayadan oo wax mucjiso ah, ay muujinayso dhaqanka iyo heerka ay Iiraan ka joogto

Isagoo dhinaca kalana balan qaaday in aan cuna qabatayntu waxba u dhimi doonin wax soo saarkii Sijaayadda roogaga iyo qadiifada ee dalka Iiraan ugu horayso dunidda sijaayadan oo dherer iyo balaadh ahaan gaadhaysa dhul qiyaas ahaan ka badan afar garoon oo kuwa kubada lagu ciyaaro ah waxa qiimaheedu ku kacay 8.5-milyan oo dollar, sida la sheegayna 

Waxa tolmaheeda iyo farsamaynteedu qaadatay mudo sided iyo toban bilood lagu qiyaasay tiradda dadka ka hawl galay samaynteeda ayay warbaahintu ku soo koobtay sadex tuulo dadka ku nooli inay shaqo ka heleen mudadii sanad iyo badhka ahaa ee samaynteedu socotay mid ka mid ah dadkii farsameeyay 

Sijaayada oo ka hadlayay qaabkeeda iyo waxyaabaha ay ka samaysan tahay ayaa sheegay in sijaayadani leedahay ku dhawaad 22-bilyan oo baro baro ah, kuwaas oo qaabka fanka Islaamiga ah iyo muuqaalada calaamadaha diinta lagu muujiyay

Waxa kale oo uu sheegay in qaybo ka mid ah lagu xardhay biyo dahab iyo shayo macdan ah, isagoo xusay in qayb walba loo sameeyay si aad u qurux badan, ka dibna la isu xidhay iyadoo aanay jirin Goobo ka duwan goobada kale.

Post a Comment

0 Comments