Ciidamada xooga dalka oo xoojiyey dagaalka ay kula jiraan alshabab iyagoo ka qabsaday meelo fara badan

 

ciidmada dowlada iyo alshabab

Gobolka shabeelaha hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda al-shabaab waxaana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan sikastaba maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada hirshabelle ka socday howlgallo iyo duqeymo lagu beegsanayo fariisimaha al-shabaab ee ku yaalla maamulkaasi haatanna la joogo xilligii la baacsan lahaa lana xakameyn lahaa argigixisada alshabab dowladdii uu hogaaminayey Farmaajo ayaan wax dagaal ah la gelin 5tii sano ee xukunka joogeen kooxda argigixisada al-shabab bedelkeeda

Waxay dagaal ku qaadeen maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyadoo xilalkii ciidan ugu sareeyey ku taxday koox ka tirsaneyd alshabab si ay xukunka ugu sii joogto ka dib Al-Shabab ayaa ku xoogeysatay guud ahaan somaliya iyagoo canshuur ka qaadan jireen dekada muqdisho iyo airportka weliba xoog ay ugu sii qaadan jireen ganacsatada yaryar waxaana u fududeen jiray gacanka qarsoonaa ee alshabab fahad yaasiin

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheekay in 10 ka muid ah alshabab ay ku dileen dagaal ka dhacay shabbelaha hoose ayaa wuxuu tilmaamay in howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Kili-Jiido ee magaalada Janaale ee gobolkaasi ay u suurtagashay in ay ku dileen 10 dagaalyahan oo ka tirsan xarakada 13 kalena ay ka dhaawaceen waxa uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay la wareegaan saanad ciidan oo ay ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfur galbeed soomaaliya

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca al-shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka somaliyeed xaaladda ayaa haatan kacsan waxaana duleedka janaale laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidanka oo iska soo horjeedo sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah gobolka shabeelaha hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda al-shabaab waxana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan

Shacabka soomaaliyeed ayaa ku boorinayaan dadaaladaan ay wadaan ciidamada xooga dalka ay horkacayaan madaxweynaha iyo ra'iisal wasaraha dalka oo dagaal kula jira alshabab ayna rabaan in ay dalka ka xureeyaan kooxdaan dalkane ay ka dhigaan meel amni ah oo loo soo dalxiis tago waxayna sheegeen in xabsiga la soo dhigo dhamaan dadka ku foolan amni darada dalka si dalka loo badbaadiyo

Post a Comment

0 Comments