Al-shabaab aya wax bani'aadamnimada ka baxsan u geysteen dadka degan deegaanada matabaan iyo maxaas

 

Al-shabaab

 Gudoomiyaha gobolka hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku biiray xubno ka tirsan wasiirada dowlad goboleedka hirshabelle iyo xildhibaanada baarlamaanka federaalka soomaaliya ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka guddoomiye Jeyte ayaa masuuliyiintan kala shiray sidii gargaar dowladnimo loogu fidin lahaa shacabka ku nool deegaanada laga saaray argagixisada al-shabaab islamarkaana loo sii xoojin lahaa dadaalada howl-galka ka dhan ah

Jeyte waxa uu masuuliyiinta la wadaagay howl-maalmeedka shaqo ee joogtada ah iyaga oo laga arin-saday sidii loo wajahi lahaa in shacabka loo fidiyo gargaarka bini-adanimo maadaama Al-Shabaab ay ka burburiyeen dhamaan adeegyadii muhiimka u ahaa nolashii shacabka sida ceelashii guryahii iyo soolaradii leerka dhalinayay ee cadceeda ku shaqeynayay sidoo kale guddoomiyaha ayaa warbixin ku aadan xaalada guud siiyey gudiga madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabelle cali guudlaawe u xil-saaray gurmadka deegaanada laga saaray al-shabaab 

Isagoo markale ugu celiyay in la gaarsiiyo gargaar dowladnimo oo buuxa sidoo kale howlgallada ayuu tilmaamay inay xoogooda ka socdaan inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan iyo maxaas ayna kula wareegeen deegaano horleh waxaa ka socday howlgallo oo nimankan cadowga ah looga sifeynaayo kadib markii dadka deegaanka ay culeesaad dhib badan saareen

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda al-shabaab waxaana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan sikastaba maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada hirshabelle ka socday howlgallo iyo duqeymo lagu beegsanayo fariisimaha al-shabaab ee ku yaalla maamulkaasi haatanna la joogo xilligii la baacsan lahaa lana xakameyn lahaa argigixisada alshabab

Dowladdii uu hogaaminayey farmajo ayaan wax dagaal ah la gelin 5tii sano ee xukunka joogeen kooxda argigixisada al-shabab bedelkeeda waxay dagaal ku qaadeen maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyadoo xilalkii ciidan ugu sareeyey ku taxday koox ka tirsaneyd alshabab si ay xukunka ugu sii joogto ka dib alshabab ayaa ku xoogeysatay guud ahaan somaliya iyagoo canshuur ka qaadan jireen dekada muqdisho iyo airportka weliba xoog ay ugu sii qaadan jireen ganacsatada yaryar waxaana u fududeen jiray gacanka qarsoonaa ee alshabab fahad yaasiin

Post a Comment

0 Comments