Gaadhi 5-Sano Parking Yaala Iyo Booliska Ingiriiska

 

Dhacdooyinka dunida

  Booliska dalka Britain ayaa ku jaha wareeray gaadhi lagaga tagay parking ku yaala dalkaas oo muddo shan sanadood ahna yaalay kaas oo lacag tiro badan lagu yeeshay marka loo xisaabiyo lacagta goobaha la dhigto baabuurta ee lagaga tagay ku dalaceen gaadhigan oo noociisu yahay “Mercedes S-Class,” midabkiisuna Madow yahay waxa lagu dhaafay baarkin kuwa dhawrka dabaq ka kooban ah kaas oo ku yaala magaalada birmingham ee badhtamaha galbeed ee waddanka ingiriiska

Gaadhigan ayaa biilkii lagu dalacayay is duul fulay oo waraaquhu buux dhaafiyeen weebaradiisa iyo meelaha loo saaro macaamiisha waxaana sida warbaahinta dalka Ingiriisku sheegtay uu wakhtigan biilka lagu soo dalacay kor u dhaafay afar iyo toban kun oo giniga istarliiniga ah taas oo u dhiganta labo iyo labaatan kun oo dollarka maraykanka ah booliska ingiriiska ee baadhitaanka ku sameeyay gaadhigan ayaa markii shirkada maamusha parking-kaasi u soo cabatay 

Sheegay in gaadhigan uu leeyahay qof ka tirsan dadka ku dhaqan magaalada “Coventry” ee galbeedka England, kaas oo dhawr jeer boolisku ay isku dayeen laakiin aanay u suura galin inay wax xidhiidh ah la sameeyaan xarunta baabuurta la dhigto ee lagu magacaabo broadway plaza oo leh dabaqyo dhawr ah oo lagu Parking garaysto gaadiidka ayaa 5-sanadood ka hor lagu dhaafay gaadhigaas 

Waxaanay wakhtigan dalbanayaan lacag dhan labo iyo labaatan kun oo dollarka maraykanka ah sida ay ku warantay jariirada daily mail ee dalka ingiriiska ka soo baxda booliska ingiriiska ayaa jawaab u waayay gaadhigan iyo sababta looga tagay waxaanay cadeeyeen in gaadhigaasi aanu wax sharciga ku lid ah ku kicin, oo cashuurihiisu u dhan yihiin isla markaana waraaqaha wado maristu aanay ka dhicin taarikadiisuna sax tahay sidaa awgeed aanay xaq ugu lahayn inay ka qaadaan meesha

Laakiin maamulayaasha xaruntan gawaadhida la dhigto ee magaalada birmingham ayaa iyagu ka xumaaday gaadhigan iyo xaaladiisa waxaanay ka cabsi qabaan in aanay dib u helin lacagtaa biilka ah ee tirada badan ee lagu dalacay mulkiilaha gaadhigan oo aanay ilaa wali aqoonsan

Post a Comment

0 Comments