20 Sanadood Ka Dib Ayuu Ku Dhintay Gaadhi Kula Dhacay Goobtii Aabihii Ku Geeriyooday

 

Dhacdooyinka caalamka

 Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya ayaa ku naf waayay Shil  gaadhi oo ku haleelay goobtii aabihii 19-sannadood ka hor ku dhintay waxaanu ninkan dhalinyarada ah gaadhigii uu watay shilka kula galay goobtii aabihii ku dhintay oo isna shil gaadhi uu ku galay labaatan sano ku dhawaad

Sida wakaaladaha wararka adduunku ku warameen wiilkan ayaa maalintii axadii ee toddobaadkan ku geeriyooday shil baabuur oo ku haleelay goobtii aabihii dhawr iyo tobanka sannadood ka hor ku dhintay kaas oo sida wararku sheegayaan ay isla meel qudha muddo kala duwan ay isaga iyo aabihii shil gaadhi ugu wada dhinteen

Shilkan oo ka dhacay jidka isku xidha degaanada Abu Cariish iyo Caarida ee dalka sucuudiga ayaa noqday mid aad looga hadal hayo degaanka shilku ka dhacay oo dadka ku dhaqani si fiican u wada garanayaan wiilkan iyo aabihii waxaanu sida warbaahintu sheegtay uu dadka degaanka ku dhaqan kaga tagay walaac iyo murugo badan

Mohamed Kasim Darwish oo ah ninkan shilka gaadhi ku helay goobtii aabihii ku dhintay ayaa sida wararku sheegayaan siddeed iyo labaatan jir da’diisu ahayd waxaanu ka tirsanaa ciidamada ilaalada xuduuda ee dalka sucuudiga waxaanu booqanayay qoyskooda oo ka kooban hooyadii sadex wiil iyo afar habloo laakiin nasiib daro wuu gaadhigii uu watay kula gadoomay markii uu marayay goobtii aabihii ku dhintay oo shil noocan oo kale ahi ku haleelay dhawr iyo toban sannadood ka hor

Waxa xusid mudan in shilka gaadhi ee waalidka iyo ilmihiisa ku wada haleelay goobtani uu si isku mid ah ugu wada dhacay wallow wakhti dheeri u dhexeeyay waxaanay labadooda gaadhi ee galaaftay qoyskani si isku mid ah uga wada dhaceen isla goob kaliya iyadoo sababta shilka dhalisay ahayd mid isku mid ah oo labadoodaba baabuurtii ay wateen jidka kala baxeen xili roob culusi ka da’ayay goobta

Sida nin u abti ah wiilkan dhalinyarada ah ee ku dhintay shilka kii aabihii ku geeriyooday la midka ahaa warbaahinta u sheegay qoyska iyo dadka ku dhaqan degaanka oo dhan ayuu shilkan naxdin ku noqday ilaa iyo walina baroor diiq ku jir

Post a Comment

0 Comments