Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay madaxtooyada dalka iyagoo garab ka helaya kooxda maafiyada ah ee farmajo iyo fahad yaasiin

 

Al-shabab

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo gacan saar la leh Al-Shabaab ayaa horay u isticmaali jireen dilalka qorsheysan iyo qaraxyada waxayna hada u adeegsadeen in ay weerar ku qaadaan xarunta madaxtooyadaa si loo khalkhal geliyo amniga dalka loona cabsi geliyo shacabka soomaaliyeed waxay kaloo adeegsanayaan dhalinyaro dalka ka geysta dilal iyo dhac sababta ayaa ah in ay rabaan in ay ku soo laabtaan xukunka dalka

Waxayna wadaan qorshe ay ku rabaan in ay dalka ku geliyaan fowdo iyo amni daro si xukunka awood kula wareegaan shacabka ayaa dalbanayaan in maxkamad la soo taago Farmaajo iyo Fahad dhamaan dambiyadii ay galeen tan iyo markii farmaajo xilka qabtay ilaa hadda qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeyn hoobiyaal loo adeegasaday oo lagu soo tuurey madaxtooyaday soomaaliya iyadoo shalay ay jirtay ansixinta golaha wasiirada dalka

Hoobiyayaashan ayaa loogu tala galay in lagu tuuro xarunta barlamaanka si loo khalkhal geliyo ansixinta xukumada cusub waayo farmajo iyo Fahad Yaasiin kuma qanacsana xukuumadaan dan qaran oo uu soo dhisay ra'iisal wasaare xamze waxayna isku dayayaan in ay dalka geliyaan amni darro si loo fashiliyo dadaalada ay wadaan madaxweynaha iyo ra'iisal wasaare xamze si indhaha shacabka loogu soo jeediyo

Waa in wax laga qabtaa dhibaatadaan ay ku jiraan shacabka waayo shan sano ayay dhibanayeen hadane in ay ku sii jiraan waa khalad waa in hay'addaha ku shaqada leh ay xabsiga soo dhigaan dhaman kooxdaan iyo kuwa ay u adeegsadeen hoobiyayaasha si shacabka ay u helaan amni iyo kala dambeyn dowlada cusub waa in ay bajadkeeda ku soo dartaa sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatooyinkaan soo laalaabta ayna geysanayaan kooxdan maafiyada ah

Shacabka soomaaliyeed iyo saraakiisha ciidanka waa in ay u midowaan siddii ay ugu wada shaqeyn lahaayeen amniga dalka ragaan dhibaatada wadana ay xabsi u soo dhigi lahayeen weeraradaan ayaa dhaca inta badan mararka ay jiraan shirarka waaweyn iyo kulamada baarlamaanka ayaa waxaa weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaadaa xarunta villa soomaaliya waxaana inta badan khasaare kala kulma dadka shacabka ah ee deggan xaafadaha ku dhow madaxtooyada



Post a Comment

0 Comments