Al-shabab ayaa kordhisay weeraradeyda somaliya iyagoo garab ka helayaan farmajo iyo fahad yaasiin

Al-shabab


Kooxda alshabab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada ay ka fulineyso dalalka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya alshabab ayaa ku xoogeysatay somaliya mudadii uu xukumayay Farmaajo mana jirin wax dagaal ah oo lala galay markaas waxay awood ku yeelatay guud ahaan dalka waxayna canshuur ka qaataa dekada muqdisho iyo air portka waxay kaloo canshuur ka qaata ganacsatada

Waxayna xiriir fiican la lahaayeen Fahad Yaasiin oo ahaa taliyaha nabad sugida oo ah gacanta qarsoon ee al-shabab asigoo xogta inta badan siin jiray alshabab wuxuuna hada u adeegsadaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan si shacabka loo tusiyo in dowladda cusub ay ku fashilantay amniga dalka si ay xukunka ugu soo laabtaan waa in laga hortagaa dhagartaan ay maleegayan ragaan

Farmaajo iyo fahad yaasiin ayaa alshabab u adeegsanayaan sidii somaliya loogu abuuri lahaa dagaalo kaga yimaada wadamada deriska ah iyagoo weerar ku qaaday xadka ay somaliya la wadaagto itoobiya waxayna rabaan in ay halkaas ay ka abuuraan khalalaaso amni si labada dowladood ay isku dhici lahaayeen ka dibna ay kaga faa'ideysanlahaayeen waxayna rabaan in al-shabab dalka ay la wareegaan

Waxaa maalintii shalay aheyd magaalada muqdisho ka dhacay qaraxyo waaweyn oo sababay dhimasho iyo dhaawac qaraxaan ayaa lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada dowladda saacado kadib markii mareykanku uu ka digay kororka dhaq-dhaqaaqa al-shabab daacadda u ah ururka argagixisada ah ee al-qaacida qaraxa ayaa ahaa miino oo lagu aasay wadada dhinaceeda Sidoo kale degaano ka tirsan degmada maxaas ee gobolka hiiraan ee bartamaha dalka soomaaliya waxaa ka dhacay dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada al-shabaab kaasi oo la isku adeegsaday hubka cul culus kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac al-shabab ayaa muddo laba toddobaad ah sii waday weerarrada ay ku qaadayso ciidamada dowladda iyo shacabka

Post a Comment

0 Comments