Waxa kale oo uu intaasi
kusii daray inay ka go’an tahay in la xaqiijiyo amniga, si looga hortego
falalka amni darrada ah ee xilligaan ka dhacaya caasimada Muqdisho.
“Dowladda waxaa ka go’an in
amniga la sugo waa saxeynaa, waana la ciqaabayaa askariga qaldan waa la
toosinaa, waana la daba socdaa,” ayuu sii raaciyey.
Dhinaca kale madaxweynaha
ayaa soo hadal qaaday dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan
deegaanka Jilib Marka, kaas oo lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay
in howlgalkaasi khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen
koontarool ku yaalla halkaas, balse ma shaacin khasaaraha rasmiga ah.
“Jilib Marka saaka howlgallo
waa weyn ayaa ka dhacay nimankii nabad diidka ahaa ayaa lagu laayey waddada
ayey taagnaayeen ee dadka ku dhibaayeen askari ayaa qatartaas u qaatay,” ayuu
markale yiri madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan ayaa ku soo
aadayo, ayada oo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan qaybo
badan oo ka mid ah dalka, waxaana Al-Shabaab dhankooda ay kordhiyeen weerarada
ay ka fuliyaan gudaha dalka, ayaga oo xittaa u tallaabay dhanka xadka Itoobiya.
0 Comments