farriintii uu soo diray fahad yasiin ayaa ah mid uu ku doonaayo kusoo laabashada saaxada siyaasadeed

 

fahad yasiin & iyo farmaajo

Agaasimihii hore ee hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa 23-kii July sii daayey farriin si fudud lagu fahmi karay dulucdeeda oo uu kaga hadlay weerarka Al-Shabaab ka fulisay qeybo kamid ah gobolka Bakool iyo dhulka Soomaali Galbeed.

Fahad Yaasiin ayaa soo jeediyey talooyin u muuqday inay xambaarsan yihiin ujeedooyin gaar ah. Marka laga tago inuu Fahad Yaasiin isku dayey inuu dowladda cusub ku eedeeyo inay sahashatay dagaalka Al-Shabaab ku qaaday qeybo Bakool iyo Soomaali Galbeed kamid ah, haddana saddex arrimood ayaa si fudud looga dhex akhrisan karay ujeedka qoraalka uu soo saaray.

Fahad Yaasiin, oo qeyb ka mid ah qoraalkiisa laga dheehday inuu dhulka Soomaali Galbeed u yaqaano dal daris oo ah Itoobiya xilli aysan Soomaaliya meelna ku aqbalin in dhulkaas Itoobiya yahay, ayaa dhinaca kale waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa seddex ujeedo oo farriintiisa laga fahmay.

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo waxay u adeegsadaan argagixisada al-shabaab inay dib ugu soo laabtaan masraxa siyaasadda, iyagoo adeegsanaya hadaladii Fahad Yaasiin si meesha looga saaro dhaqdhaqaaqa, waxayna taasi noo xaqiijinaysaa in waxa uu Fahad wado ay tahay qorshe cusub oo uu markale ku soo galayo saaxada siyaasadda.

Farmaajo iyo fahad ayaana ah maalgelinta ugu badan ay ka helaan alshabab waxayna ku taageeraan hub iyo malaayiin dollar waxayna rabaan in ay qas iyo fowdo ka geystaan si dowladda loogu furo dagaalo iyo amni darro alshabaab ayaa 70%kiiba gacanta ku haayaan waxayna rabaan in alshabaab la wareegto guud ahaan somaliya waa in lala xisaabtamaa ragaan dhibaatada ay geysteen 

Fahad Yaasiin, oo qeyb ka mid ah qoraalkiisa laga dheehday inuu dhulka Soomaali Galbeed u yaqaano dal daris oo ah Itoobiya xilli aysan Soomaaliya meelna ku aqbalin in dhulkaas Itoobiya yahay, ayaa dhinaca kale waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa seddex ujeedo oo farriintiisa laga fahmay.

Dambiilaha baxsadka ah ee Fahad ayaa wax talo ah aan bixin kari kadib markii uu ku guul dareystay inuu maamulo faylkii uu ku wajahayay alshabaab intii uu xukunka hayay hadalka hada ka soo yeerey waa mid uu ku doonaayo in ku soolaabto saaxada siyaasadeed kadib guul daradi farmaajo

Fahad yaasiin waxa uu qabaa in umada somaliyeed ay jaahil ka yihiin heerkaan ,shacabka ayaa durba garwaaqsaday xaqiiqada dhabta ah ee farmaajo iyo fahmad yaasiin ,waxana laga saaray saaxadii siyaasada doorashadii dhawaan dhacday

 

Post a Comment

0 Comments