Al-Shabaab oo kurdhisey weerarada kadhanka ah dawlada kadib taakuleen xoogan oo ay ka heleen farmaajo &fahad yasiin

 

Al-Shabaab oo kurdhisey weeraradeeda

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaaday saddex magaalo oo dhacda galbeedka Soomaaliya, kuwaas oo ku dhow xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto wadanka Itoobiya.

Magaalooyinka ay Al-Shabaab weerareen oo kala ah, Yeed, Aato iyo Washaaqo, waxayna ka tirsan yihiin gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarada Al-Shabaab ee mudooyinkaan danbey sookordhey ayaa ka dhashay taageerada ee ka helaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo garab siinaya dhaq dhaqaaqa argagixisada

Sidhookale Qaar ka mid ah saraakiisha NISA ee daacadda u ahaay xukuumadda Farmaajo ayaa ah kuwa ay kaashadaan dhaq dhaqaaqa, Al-Shabaab waxayna u kahelaan xogaha sirta ah ee ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaanada ay maamulaan kooxda

Dhinaca kale Dowladda cusub ee uu hoggaamiyo HSN, ayaa waxaa ka go’an inay la dagaalanto argagixisada, kadib shir jaraaid uu shale RW Xamza ku iclaamiyey guluf weyn oo dowladda ay ku qaadeyso kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira.

Xamza oo hadalkan ku dhowaaqday isaga oo maanta shir-guddoomiyay kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo uu la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah kooxahaas uu noqon doono mid xooggan oo dhammaystiran.

Sida aan wadha ognahay farmaajo iyo fahad yasiin ayaa ku hawlan in ay carqaladeeyaan dawlada cusub iayagoo adheegsanaayo xeelado badan dawalada uu hogaamiyo HSN waa in ay u baraarugtaa falalka ay ku kacaayaan labadaan oo ay maxkamad too taagto si looga xisaabiyo dan biyada ay ka galeen dalka iyo umada soomaaliyeed

 Shacabka Soomaaliyeed waa uu ku baraarugsan yahay isku day kasto oo eey wadaan oo ay ku doonaayaan in ay ku abuuraan amnidaro Farmaajo iyo Fahad waxa ay ru meysan yihiin in ay yihiin cadowga koowaad ee umada Soomaaliya.

 

Post a Comment

0 Comments