farmaajo iyo fahad yasiin oo u suura galiyey Kooxda Al-Shabaab in ay gacanta ku dhigto in badan oo kamid ah dalka

 

Al-Shabaab oo maamusho in kabada inta ay dawlada maamusho



Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay isku ballaarisay sanadihii dhowaa, ayada oo ay sacideen khilaafyada siyaasadeed ee mas’uuliyiinta Soomaalida dhexdooda, waxaa sidaas qoray wargeyska Washington Post.

Halka ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ey xukumaan Muqdisho iyo caasimad goboleedyada, Al-Shabaab iyo dagaal-yahanadeeda oo lagy qiyaaso 5,000 illaa 7,000 ayaa maamula tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha.

Sababta ugu weyn ee ka danbeysa fidintaanka kooxda Al-Shabaab ay kufideeyso dalka waa fahad iyo farmaajo waana kuwii u ogolaaday in ay ku fidaan dalka Soomaaliya ilaa ay soo dhex galaan hay’adaha dawlada oo ay ka helaan xilal dowladeed

farmaajo iyo fahad yasiin ayaa ah ku u suura galiyey Al-Shabaab in ay yeelato awooda intaa la eg iyagoo u adheegsan jirey qaarijinta cid walibo oo iyaga ka soo horjeedo

Shantii sano ee la soo dhaafay ee uu xukumayey farmaajo dalka ayaan lala dagaalmin kooxdaan iyadoo ay ku xoogeysatay dalka iyadoo ay canshuur ka qaadaan dekada xamar, airportka iyo ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar waxayna sanadkii canshuur ahaan u soo xareysaa malaayiin dollar aan dowladda soo xareynin waana awooda kowaad ee somaliya hadaan laga adkaan kooxdaan dal iyo dad aan u naxeynin

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa weli isticmaalaya habkii ay ku khalkhal gelin lahaayeen Soomaaliya, iyagoo xiriir la leh kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, taasoo ay u adeegsadaan inay ku gaaraan hadafkooda gaarka ah

Miyeysan muhiim ahayn in dawladda madaxwayne HSM ey samayso guddi xog ururin iyo baaris ku sameeya tacadiyadii dalka ka dhacay 5tii sanno ee tagtay, gaar ahaan Tacadiyadii Farmaajo/Fahad/khayre ka gaysteen Galmudug, Baay, kismanyo iyo Xamar iyo taageerada ay siiyaan alshabaab

 

Post a Comment

0 Comments