Al-shabab oo kordhisay weeraradeyda iyo qaraxyadeyda iyadoo garab ka heleysa kooxda maafiyada ah ee farmajo iyo fahad yaasiin

 

Farmajo iyo fahad yaasiin

 Al-shabaab ayaa kordhisay weeradeyda mudooyinkaan dambe iyadoo qaraxyo waaweyn ay ka geysaneyso magaalada muqdisho iyagoo garab ka helayaan kooxda maafiyada ah ee Farmaajo iyo fahad yaasiin oo rabaan in ay xukunka ku soo laabtaan iyagoo u daadinayaan dhiig fara badan hafaan laga hortagin waxayna rabaan in ay fashiliyaan dadaalada ay wadaan madaxweynaha iyo ra'iisal wasaarihiisa ayna ku rabaan in dalka laga xureyo al-shabab 

Taliska ciidanka booliska soomaaliya ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey qarax galabta ka dhacay magaalada muqdisho gaar ahaan agagaarka isgoyska taleex ee degmada hodan taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka banaadir Cali Dhuux Mahad-Alle oo warbaahinta kula hadlay goobtii ka dhacay qaraxaas ayaa sheegay inay fashiliyeen rag hubeysan oo watay mooto bajaaj

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ragga watay mootada aan weli la ogaan tiradooda oo qaraxii ay wateen ay ku bas-beeleen sidoo kale wuxuu sheegay in ayagu ay is qarxiyeen markey ogaadeen in booliska aysan ka baxsa karin sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in ninkii waday mootada oo kaliya uu ka badbaaday qaraxa kaas oo hadda ay gacanta ku hayaan isagoo dhaawac fudud ah sida uu sheegay Taliye Cali Dhuux

Al-shabab ayaa garab ka helayaan Farmaajo iyo fahad yaasiin waxayna rabaan in ay xukunka ku soo laabtaan iyagoo dhiig far badan ay u daadiyeen ama ay indhaha shacabka ay ku jeediyaan dowladda cusub si loo fashiliyo dadaalada ay wadaan ayna ku doonayaan in ay amniga dalka ay wax badan ay ka qabtaan waa in ay shacabka soomaaliyeed ay garab siiyaan dowladooda si ay iskaga qabtaan kooxdaan maafiyada ah ee aan kanaxeyn shacabka masaakiinta ah

Ragga ku gubtay mootada qaraxday wuxuu sheegay taliyuhu inay wateen afar qori oo AK47 ah iyo bambaanooyin aad u badan kuwaas oo qaar ay isku qarxiyeen qaarna ay dib ka qarxiyeen bajaajta intii qof ee saarneed way gubteen waxaan heynaa kaliya ninkii waday mootada oo dhaawac fudud ah intii kale wey gubteen oo waa is qarxiyeen afar qori iyo waxyaabo kale oo aan qarxinay ayey wateen


Post a Comment

0 Comments