Faras ku dul baroortay meydka ninkii dhaqday oo dadkii joogay layaabeen

Faras

 In kastoo ay dadka badankoodu xayawaanka ka aaminsan yihiin wax aan garaad iyo garasho lahayn laakiin waxa aragtidaas beeniyay Faras ku nool dalka baraasiil kaas oo dareemay dhimashada saaxiibkiisi dhaqday oo aaskiisa loo tubnaa la isuna diyaarinayay sidii xabaasha loogu ridi lahaa faraskan ayaa yimi goobtii uu la dhigay naxashkii maydka ninkii dhaqday ku jiray 

Waxaanu isaga oo murugaysan uu dul tagay naxashkii kaas oo si aan waxba ka duwanayn ehelada ninkaas dhintay oo kale u sii nabad galyeeyay sheekadan oo sida jariirada the mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa ku warantay ka dhacday magaalada paribas ee dalka baraasiil halkaas oo uu ku dhintay ninkii dhaqday faraskan oo lagu magacaabi jiray wagner de lima figueiredo da’diisuna ahayd 34-jir.

Ninkan ayaa si caadiya u dhintay ka dibna eheladiisu ay diyaariyeen aaskiisi iyo sii nabad galyeyntiisa hasa yeeshee waxa si degdeg ah goobta u yimi marti aan lagu talo gelin oo ka mid ahaa ehelada iyo asxaabta ugu dhow ninkan dhintay kaas oo ah faraska lagu magacaabo “Sereno” runtii waxa uu ahaa mid xishood badan oo sanqadh tirasho ku soo galay geerida

Waxaanu isaga oo talaabada si degan u qaadaya uu dul tagay naxashkii maydka saaxiibkii ku jiray kaas oo sidii wax la hadlaya oo kale uu madaxa u raaricyay ka dibna dareen murugaysan mar qudha xaaladiisu isku badashay ilaa uu ka ilmeeyay oo indhihiisa ilmadu ka qubatay faraskan ayaa sida wariyihii ka diyaariyay warbixintu sheegay u muuqday mid si dhab ah u dareensan waxa dhacay gaar ahaana masiirka saaxiibkii waxa uu ku danbeeyay iyo sida ay u kala huleeleen ee aanay mar dambe dib isugu arki doonin

Faraskan “Sereno” Lagu magacaabo ayaa laga dheehan karayay inuu si buuxda uga war qabo xaalada, oo ay u cadaatay in saaxiibtinimadii isaga iyo wagner de lima figueiredo dhamaatay halkaasna ku xidhantay oo aragoodi isugu danbeeyay ay tahay lagama maarmaana ay tahay inuu fursada ka faa’iidaysto oo uu sii nabad galyeeyo waana sababta isaga oo aan arkayn maydka saaxiibkii oo naxashku ku wada daboola haddana waxa dadkii aaska ku sugnaa oo dhami ku wada qanceen in faraskani xaalada oo dhan ka wada war qabo

Wax kasta oo dhacayna la socdo oo uu ku qancay in saaxiibkii sidaa ku daayay wixii maanta ka danbeeyana aanay is arki doonin runtii waxa ay ahayd xaalad dadkii ku sugnaa geeridaas dareenkooda badashay si wayna u taabatay qof walbana uu siday la noqotay u macnayso waxa jiray dad ku doodayay in ninkan dhintay ee maydkiisa farasku u baroortay khayr badnaa halka kuwo kalana ay faraska ka aamineen xayawaan daacad ah oo oofiyay saaxiibtinimada dhabbta ah

Post a Comment

0 Comments