Al-shabab oo dil u geysatay sarkaal ka tirsan wasaarada maaliyada ee maamul putland

 

Al-shabab

 Wararka laga helayo gobolka mudug ee bartamaha soomaaliya ayaa sheegaya in xalay waqooyiga magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi wuxuuna ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda Puntland

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan masjidka salaaxudiin xilli uu ka soo baxay saaladdii cishaha gooobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado kuwaas oo goobta isaga dhaq-dhaqaaqay markii ay toogteen marxuum cabdiraxmaan alshabab ayaa garab ka helayaan Farmaajo iyo fahad yaasiin oo raba in ay xukunka dalka ku soo laabtaan

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey howlgallo kooban balse ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay oo ku aadan falkaasi dilka ah gaalkacyo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka geystaan kooxaha Al-Shabaab iyo daacish oo weli ku xoogan deegaannada maamulka Puntland sikastaba dilkaan ayaa ku soo aadayo xilli puntland ay laba jibaartay howlgallada amniga waxayna gacanta ku soo dhigtay shabakado isku xiran oo toogasho lagu xukumay

Al-shaabab ayaa kordhisay weeraradeyda gudaha somaliya iyadoo garab iyo dhaqaalo ka helayaan kooxda maafiyada ah ee farmajo iyo fahad oo rabaan in ay ka aargutaan shacabka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwaana oo xilka ka qaaday iyagoo hada u adeegsanayaan alshabab si ay xukunka ugu gaaraan marlabaad

Shacabka soomaaliyeed ayaa ugu baaqayaan hay'addaha amniga ku shaqada leh in ay gutaan waajibaadkooda ka saaran ayna xabsiga soo dhigaan ragaan dalka burburinayo si dalka uu hormar u gaaro shacabka ayaa aminsan haddii ragaan banaanka joogaan aysan somaliya amni heleynin ayna sidaan ahaan doonto weligeeda 


Post a Comment

0 Comments