Hotel laga sameeyey diyaarad Boeing 737 ah Ku dhex yaala

 

Dhacdooyinka aduunka

 Waxa maalmo ka hor dalka shiinaha laga furay hotel-kii ugu horeeyay adduunka ee diyaarad gudihii ku dhex yaala hudheelkan oo laga dhex sameeyay diyaarad kuwa rakaabka qaada ee shirkada Mareykanka laga leeyahay ee Boeing samayso ah

Ganacsade u dhashay dalka shiinaha oo lagu magacaabo Li Liang ayaa magaalada Wuhan ee dalka shiinaha ka sameeyay maqaaxi kuwa laga cunteeyo ee afka qalaad loogu yeedho (Restaurant)-ka kaas oo ku kacay shan milyan oo lacagta yuurada ah

Ganacsadahan ayaa ugu horayntii iibsaday diyaarad shaqada ka fadhiisatay oo ay leedahay shirkada diyaaradaha indonesia laga leeyahay ee batavia Air oo uu sanadkii 2015-kii ka iibsaday diyaarad gabowday oo nooceedu yahay boeing 737 taas oo shirkada batavia air ka siisay shan milyan oo lacagta yuan-ka ee dalka shiinaha laga isticmaalo ah una dhiganta 750-kun oo dollarka Mareykanka ah

Ganacsade Li Liang ayaa markii uu iibsaday diyaarada ka war helay in sharciga dalka Indonesia aanu ogolayn in diyaarad hore loo siiyay sharciga duulista aan dhalan gadis lagu samayn karin ilaa sharcigeedi hore meesha laga saaro, ka dibna loo sameeyo sharci cusub waxaanay taasi ku qaadatay inuu dib u wada badalo dhamaan sharciyadii hore loo siiyay diyaaradan laguna diiwaan geliyay 

Ka dibna inta la furfuray ayaa lagu soo raray ilaa lixdan koonteenar oo lagaga soo qaaday dalka Indonesia ilaa shiinaha markii uu keenay magaalada wuhan ayuu ka dib ku bilaabay dib u xidh xidhis iyo diyaarin loogu habaynayo inay noqoto hudheel laga cunteeyo oo ka mid ah kuwa, derajada shanaad ee Five Stars-ka loo yaqaano ah.

Hudheelkan diyaarada Boeing 737-ka ka samaysan ayaa laga yagleelay badhtamaha magaalada wuhan gaar ahaan goobaha ugu saxmada badan ee faras magalaha waxanu u sameeyay goob gaadiidka la dhigto oo aad u wayn iyo qaybo carruurta lagu ciyaarsiiyo waxaanu sheegay in qiimo aad uga sareeya kii uu ku talo galay ay diyaaradani ugu kacday

Halka casho ee lagu cuno diyaaradan maqaaxida cunto ah ayaa qofka caadiga ah ugu kacaya ku dhawaad 200 ilaa 3-boqol oo yuan-ka shiinaha laga isticmaalo ah taas oo u dhiganta sodon ilaa shan iyo afartan dollarka maraykanka ah

Post a Comment

0 Comments