Maxaa isku soo beegay dhaarinta farmajo iyo weerarka lagu qaaday hotel hayaat

 

al-shabab iyo farmajo

 Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa sii xoogeysanayay howlgallada argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay ka fulinayaan gudaha soomaaliya kororka howlgalladooda iyo weeraradooda ayaa ah codsi ka yimid farmaajo iyo fahad yaasiin oo muujinaya in maamulka hadda jira uusan awoodin inuu sugo amniga iyo badbaadada shacabka waxayna rabaan sidii loo layn lahaa alshabab ayaa waxay mudooyinkaan fuliyeen qaraxyo kala duwan iyo dilal qorsheysan 

Waxayna xalay qarax lala eegtay hotel hayaat gudahane ay u galeen dagaalyahanada alshabab oo garab ka helayaan farmajo iyo Fahad Yaasiin waxaana la sheegayaa dhimasho iyo dhaawac oo ay ku jiraan mas’uuliyiin caan ah oo dowladda ka tirsan farmaajo wuxu sabab u ahaa burburka soomaaliya intii uu xukunka hayay iyo weliba markii uu baxay asigoo adeegsanaya alshabab dhagarta farmaajo iyo adeegsigiisa dhaqdhaqaaqa alshabab ay noqdeen kuwo banaanka soo dhigay oo cid walba ay u caddahay 

Maxaa isku soo beegay gudoonka BFS oo shaaciyey in Farmajo maanta loo dhaarinaayo xildhiban sharafeed iyo qarax ka dhacay hotel hayaat waxa meesha ku jirtaa sir fara badan oo ay soo abaabuleen kooxda farmajo si loogu qariyo shacabka hadal heynta dhaarinta asigoo hotel hayaat ay u dhowdahay guriga uu farmajo ka degan yahay magaalada muqdisho maxay tahay sababta ay u weerari waayeen guriga farmajo ay u weerareen shacab masaakiin ah

Waana su'aal ay dadku in ay isweydiiyaan mudan in farmajo iyo alshabab ay ka dhexeyso wada shaqeen sidaasna loogu dhex qarinayay kursigaan sababtoo ah guriga farmajo wax cabsi ah kama muuqda halka hotelka guryaha ku dhow ay degan yihiin siyaasiyiin ayna cabsi qaban halka farmajo caadi uu iska yahay ayna jirin ciidan ilaalinayaan gurigiisa

Waxaana muuqda in wada shaqeenta alshabab iyo farmajo ay muuqaneyso waxaana ka dambeeyey qaraxaan kooxda farmajo ayna rabeen in ay cabsi geliyaan shacabka soomaaliyeed waa in laga hortagaa dhibaatadaan ay wadaan kooxdan maafiyada ah shacabka somaliyeed ayaana dalbanayaan in hay'addaha amniga ay gutaan waajibaadkooda ayna xabsiga soo dhigaan kooxdaan si dalka uu nabad u noqdo

Post a Comment

0 Comments