Dalka maxico ayaa sanadkiiba mar lagu qabtaa roob doon si cajiib ah loo soo abaabulay

Xus diimeed


 Waxa aynu wax yar ka soo qaadan doonaa mid ka mid ah Xus Diimeedka ugu layaabka badan ama hadii si kale aynu u dhigno alle bari iyo roob doonta ugu layaabka badan aduunka oo dalkaas laga sameeyo sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen sanad kasta marka la gaadho bisha may oo ah wakhtiga sida rasmiga ah roobku uga curto dalkaas

Waxa inta badan dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan dhulka beeraleyda ah ee dalkaasi ay sameeyaan Isu soo baxyo Roob doon ah maaha mid alle lagu baryo laakiin waa caado dhaqameed haweenku ku dagaalamaan oo ay si ba’an isaga dhiijiyaan waxanay dadka beeralayda ee mexico aaminsan yihiin in sida ay isaga dhiijiyaan haweenkoodu uu roobku ugu da’ayo

Meelaha sida wayn looga sameeyo dagaalka dumarku iskaga dhiijiyaan ayaa waxa ka mid ah degmada nahow taas oo ka mid ah meelaha ugu caansan wax soo saarka dalaga beeraha ee dalka Mexico fagaare wayn oo loogu talo galay xus diimeedkan dagaalka ah ee u dhexeeya haweenka ayaa la isugu soo baxaa

Waxaana marka dadka badankoodu ku soo dhamaadaan goobtaas la soo xulaa haweenka ugu xooga waaweyn kuwaas oo dagaal aan waxba la isula hadhin isku waajaha cus diimeedkan roob doonta ah oo lagu tilmaamo kuwa dunida ugu layaabka badan qarniyaal badana ay samayn jireen dadka reer mexico ayaa ku bilaabma socod qabiil walba ku soo maro jidadka magaalada lagu qabto

Waxaanay socod ku soo dhex hadaafaan iyagoo cuntooyin faro badan dumarkoodu madaxa iyo dhabarka ku sidaan halka raguna ay qoob ka ciyaar ku sameeyaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka u ah dadka deegaan sidaasna ay iskugu yimaadaan meeshii lagu balamay ka dibna lagu dagaalamo

Post a Comment

0 Comments