Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay askarta Soomaaliya ee sida qarsoodid ah loogu geeyey Eritrea

HSM oo booqdey askarta Eritrea ku sugan


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Eleteriya oo uu weheliyo madaxwaynaha dalkaasi ayaa maanta si wada jir ah u booqday Ciidamada.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu u kuur galayay xaaladda ciidamada badda Soomaaliya oo tababar uga socday dalka Ereteriya, isagoo rajo ka muujiyay in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya.

Booqashadii madaxweynaha soomaaliya xasan sheekh uu ku tagay dalka eriteriya ayaa shaaca ka qaaday halka ay ku danbeeyeen ilaa 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo ka soo hartay 10,000 ee loo qaaday eritariya ka dib dagaalo ka dhacay itoobiya waxaanalagu qaaday si qarsoodi ah

Askarta tirada badan ee Tigreega lagu laayey oo sidha qarsoodida ah uu farmaajo iyo fahad yasiin ay ugu direen halkaas waa in maxkamad lasoo taago si loogu qaado dembiyadii ay ka galeen shacabka soomaaliyeed iyo askartii lagu qafaashay Eritrea

xasan sheekh waxa uu ballan qaaday in si deg deg ah ciidamadaas loogu soo celin doono dalka si ay ula midowaan waalidiintooda dalkoodana u difaacaan inta dhimatayna aas qaran loo sameeyo 

Ciidamadan ayaa dhamaadkii sanadkii hore ee 2019 si qarsoodi ah loogu diray dalka Eriteriya oo uu ka arimiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Laakin Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qirtay in 5,000 oo askari oo Soomaali ah loo diray dalka Eritrea 23-kii bishan hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo xilka si rasmi ah ula wareegay, halka Sheekh Maxamuud uu ballan qaaday in si deg deg ah ciidamadaas loogu soo celin doono dalka si ay ula dagaalamaan. argagixisada.

Dhowr jeer ayaa qoysaska askartan ay abaabuleen dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay caasimadda Muqdisho, si ay u muujiyaan xaaladda wiilashooda.

Farmaajo waxa uu beenin jirey ilaa maalmihii u dambeeyay ee xukunkiisa inuu ka warhayo joogitaanka ciidamada Eritrea Sidoo kale, Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fary waxay sii wadheen beeninta ilaa waraysigii u dambeeyay ee uu mid kastaa qabtay ee ku saabsan joogitaanka askarta Eritrea

 

Post a Comment

0 Comments