Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada oo ka hadley arinta sakarta loo qaadey Ereteriya



 A C-WARAR

Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka hadlay xaaladda askarta ay Dowladda Soomaaliya tababar ahaan ugu dirtay dalka Eritrea iyo sababta ka dambeysa inay dalka ka maqnaadaan waqti ka badan intii loogu talagalay inay tababarka ku qaataan baqdaadi ayaa sheegay

 in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay xaliso waxyaabo badan oo ka qaldoomay oo sababay in askartaan Soomaaliyeed ay muddo badan ku xayirmaan dalka Eritrea

Afartii sano ee tagtay waxaa si ula kac loo dilay hankii iyo hiraalkii ummadnimo. Waxaa la beeray dhaqan siyaasadeed humaag iyo har guuraya ah, sal iyo saan aan midna laheyn. Daad xunbo ayaa nala cuskiyey, xuub caarana waa nala hoos dejiyey.

 Waxaa geeska la geliyey siyaasad ku dhisan mabda’a iyo aragti, ku qiimeysan waxqabad isbeddel nolasha dadka ku sameeya, oggol dhaliil wax dhisaysa. Beddelkeeda waxaa la bilay dhaqan labo meel loo dhexaynayo; gegi-diyaaradeed si aad madax u soo dhowayso ama xaflad aad ka guulwadeyso oo aad ammaan afka baarkiisa ah ka jeediso.

Wiilasha loo qaaday Eritrea waa ubad naga wada maqan. Waa hanti qaran oo ay waajib tahay in aan la damqanno, la dareen noqonno waaliddiinta, walaalaha iyo ehelka ay ka maqanyihiin. Wey mahadsan yihiin xildhibaannada labada aqal ee hawshan u istaagay.

Waxaase is waydiin leh sababta ay bulshada rayidka ah, gaar ahaan culimmadu uga aamusanyihiin arrinkan oo ay masaajidka iyo maxfallada kale uga hadlaynin?

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga

farmajo been ku maaweeliyo shacabka somaliyeedba waxa daaha ka qaadmay sababta ciidankii Erirea la geeyay aan ilaa hadda losoo celin, Taasoo la sheegay in lagu takri falay dhaqaalihii lagu tababari lahaa, Waana sababta ka dhigtay Eritrea inay rahaan u haystaan dhalinyaradaa somaliyeed.

Dawlada Ereteriya ayaana u adeegsatay dhalinyaradaas dagaalkii Tigreega, Sidoo kale waxay u gaysatay jiidh dil iyo bahdilaad yadoo la cadeeyey inay qaarkood ku dhinteen, Arintaas ayaana ka dheer beenta farmajo ku maaweelinayo shacabka somaliyed.


Post a Comment

0 Comments