FARMAAJO OO XILKA WAREINTI, SHALEY QIREY IN UU CIIDAMADII UGU BADNAA KU MAQAN ERITREA

 

farmaajo



Farmaajo oo xafladda xil wareejinta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu madaxweynaha la doortay ku wareejiyey ciidamo 5000 ah oo ku maqan dalka Eritrea. Wuxuuna tilmaamay in uu ciidamadaas u keeni waayay xaaladda siyaasadeed oo dalka ka jirtay awgeed.

Farmaajo oo horey u beeniyay in uu ciidamo u diray dalka Eritrea ayaa hadda qiray in 5,000 oo askari ay ka joogaan dalka Eritrea, sida uu qirtey

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka sheegay munaasabad uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, in dib loo dhigay soo celinta askarta si looga hortago qalqal siyaasadeed.

Waxa ay xaqiiqdhu tahay in farmaajo uu Eritrea u diray in ka badan 10,000 oo askari ee ma ahayn 5,000 oo waxa ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Yuusuf iyo Fahad Yaasiin.

Askartan ayaa ka qeyb qaatay dagaalkii Tigray ee dalka Itoobiya, waxaana askarta Soomaalida ah ay xasuuq ba’an u geysteen shacabka Itoobiya iyadoo uu wax ka og yahay madaxweynihii hore ee Farmaajo, sida lagu sheegay warbixinno dhowr ah oo caalami ah. horaa loo diiday

Farmaajo ayaa ku takri falay awooda xukunka inta uu talada hayeye, waxaana uu ka hor been u sheegay shacabka Soomaaliyeed isagoo inkirey in uu askar Soomaali ah u diray colaada Tigreega, haddana wuxuu qirayaa inuu ciidan u diray, marka Farmaajo iyo inta la socota waa in maxkamad la soo taago

Sidhoo kale Taliyaha ciidamada xoogga dalka jeneraal odawaa yuusuf raage ayaa wajahaya fadeexad iyo wejigabax kadib markii madaxweynihii hore ee soomaaliya farmaajo uu shalay qiray in

ciidamadii ugu badnaa ee soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka eritrea arrintan ayaa fadeexad iyo ceeb ay ku noqotay taliye odawaa yuusuf raage oo laga duubay beentaasi haddana qof kasta uu daawan karo

 

 

Post a Comment

0 Comments