Muqdisho-AC


-Mahad Maxamed islaam taliyaha Degmada Afmadow oo la hadlay Idaacadda AC ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabad sugida NISA  Fahad Yaasiin ay ka dalbadeen inuu afgambiyo maamulka degmadaasi.

Sidoo kale Waxaa uu ku eedeeyay in ay duulaan ku tahay maamulka Jubbaland, islamarkaana waxaa uuna sheegay in arintaasi ay dhibaato ku tahay dowladnimada waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyahay ayaa waxaa xusay in dowladda ay lacag xitaa u adeegsanayso sidii loo bur burin lahaa maamulka Jubbaland, isagoona sheegay in tilaabadaasi aysan ku habooneen Soomaalinimada, islamarkaana waxaa uu xusay in marnaba uusan qaadan doonin talaabooyinka sidan oo kale ah.

Nidaamkan ayaa waxa uu sheegay taliyuhu in uu marnaba diyaar u ahayn in magaaladaasi oo uu in mudo ahba kala dagaalamayay Al-Shabaab uu u hor kaco in qalalaase iyo qalqal amni darro ay gasho, isaga oo hadalkiisa sii wata taliyaha ayaa waxa uu sheegay in nidaamkan uu yahay mid dawlada dhexe ay ku doonayso in ay ku burburiso maaamul goboleedyada dalka, taasina ay tahay arrin aan wanaagsanayn.

Post a Comment

0 Comments