Laftagareen oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Laftagareen

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

 Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa markii ugu horreysay tan iyo 30-kii Maarso ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaas isla markaana uu dib ugu laaban doono deegaannada Koonfur Galbeed 13 maalmood kadib

Wixii ka dambeeya marka uu dhamaado muddo 

Wixii ka dambeeya marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Laftagareen ayaa sheegay in haddii la gaaro 15-ka May aysan Koonfur Galbeed ka shaqeyn doonin waxa uu ku tilmaamay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo xusay inuu isaga oo Madaxweyne ah ku laaban doono maamulkaasi

Aniga sida aad la socotaan waxaan ahay 

Aniga sida aad la socotaan waxaan ahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee sharciga ah, si sharci ahna loo doortay. 28-kii Maarso ayaa dib la ii doortay, sidaas ayaan ku ahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Laftagareen sidoo kale, wuxuu beeniyay inuu qoray warqaddii iscasilaadda ee lagu baahiyay magaciisa, isaga oo sheegay in tallaabadaas lagu badbaadiyay naftiisa iyo tan sodoggiis General Mahad Cabdiraxmaan oo ahaa Taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliya

Laftagareen ayaa ka hadlay sababtii uu uga baxay magaalada Baydhabo, isaga oo sheegay in muddo laba bilood ah lagu hayay cadaadis militari oo uu ku tilmaamay “duullaan qaawan” oo ay ku jireen dhaqaale, gaadiid dagaal iyo diyaarado Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ay kasoo galeen magaalada Baydhabo waddo aysan filaynin kadib markii sida uu sheegay diyaarad sahan ah ay sawirtay difaacyadii ciidamada Koonfur Galbeed, taasoo keentay in laga wareego fariisimihii hore loogana soo galo deegaanka Abu Cashara oo ku dhow Baydhabo

Laftagareen ayaa sheegay inuu amray ciidamada Koonfur Galbeed inaysan dagaalamin si loo badbaadiyo shacabka magaalada Baydhabo oo uu ku sheegay inay gaarayaan tiro ka badan hal milyan oo qof waxaa kale oo uu xusay inay jireen cadaadis xooggan oo kaga imaanayay Villa Soomaaliya, isaga oo yiri: “Waxa la doonayay aniga ma ahayn ee waxay ahayd Koonfur Galbeed

Ugu dambeyn, Laftagareen ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay samir iyo dulqaad, isaga oo sheegay in “maalmo wanaagsan ay soo socdaan” isla markaana uu bilaaban doono halgan cusub

Post a Comment

2 Comments

  1. Lafta gareen waa madaxweynaha saxda ah ee koonfur galbeed

    ReplyDelete
  2. Dowladda somalia waxay burburisay maamul dhisan waxayna dalka gelineysaa burbru

    ReplyDelete