Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka
Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si cad uga horyimid tallaabo uu shalay qaaday Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo xilka uga qaaday guddoomiyeyaasha degmooyinka Deyniile, Shangaani, iyo Gubadley
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu sheegay in golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir ay yihiin kuwo si sharci ah uga soo baxay doorashadii dhacday 25 December 2025, ayna si rasmi ah xilka ula wareegeen 2 April 2026, kadib dhaarinta rasmiga ah
Guddigu waxa uu xusay in, sida ku cad Dastuurka
Guddigu waxa uu xusay in, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka, golayaasha deegaanka ay leeyihiin awood ay ku doortaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ku-xigeenadooda, halka maamullada hadda jira lagu tilmaamay kuwo ku-meel-gaar ah oo shaqadoodu ku egtahay sugidda kala-guurka
Sidoo kale, Guddigu wuxuu carabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo maamul oo ka hor imaanaysa Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka ay tahay mid aan sharciyad lahayn, isla markaana aan waxba ka beddeli karin nidaamka dhismaha maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir
Ugu dambeyn, Guddigu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono ilaalinta Ku dhaqanka Dastuurka iyo sharciga, Hufnaanta nidaamka doorashooyinka iyo Ilaalinta kalsoonida muwaadiniinta codbixiyayaasha ah

0 Comments