Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay Dowladda Federalka inay ka shaqeynayso tahriibinta ciidamada Puntland

Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka dambeyso qorshayaal lagu kala furfurayo ciidamada Puntland, isagoo sheegay in arrintaas ay halis ku tahay amniga iyo jiritaanka dowladnimada 

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in waxa uu ugu yeeray

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in waxa uu ugu yeeray “tahriibinta ciidamada” ay tahay qorshe abaabulan oo lagu wiiqayo awoodda Puntland. Wuxuu sheegay in askarta qaarkood lagu marin habaabinayo ballanqaadyo iyo siyaasad aan sharci ku dhisnayn

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay qaar ka mid ah saraakiisha iyo xubnaha ciidamada Puntland, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ama u janjeeraan dhinaca Xamar, islamarkaana ay ku fashilmeen gudashada waajibaadkooda shaqo

Ciidan tahriibin laguma dhisi karo dowladnimo,” ayuu yiri Deni, isaga oo ku adkeeyay in nidaamka iyo kala dambeyntu ay muhiim u yihiin jiritaanka hay’adaha amniga Deni ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada ciidamada Puntland, lagana hortago faragelin dibadeed oo uu sheegay inay dhaawaceyso kalsoonida iyo wada shaqeynta gudaha

Wuxuu sidoo kale farriin u diray askarta, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan iyo burbur ku yimaada hay’adaha amniga hadalkaan ayuu madaxweyne Deni sheegay xilli uu maanta tababar u soo xiray ciidamo nuucii ugu horreeyay oo ay Puntland yeelato

Kuwaas oo loogu magacday Booliiska Milatariga, kuwaas oo ah ciidamo aad u qalabaysan oo ay maalgalisay mid kamid ah dowladaha shisheeye

Post a Comment

0 Comments