Slot Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Mohamed Salah.


Slot IYO Mohamed Salah.

Tababare Arne Slot ayaa qirtay in Liverpool

Tababare Arne Slot ayaa qirtay in Liverpool ay khasab ku noqon doonto inay ciyaartoy iibiso si ay u hesho dhaqaale ay ku beddesho Mohamed Salah xagaagan Liverpool ayaa ka hartay UEFA Champions League habeenkii Salaasada, kadib markii Paris Saint-Germain ay ku garaacday 2-0 garoonka Anfield, iyadoo Ousmane Dembele uu dhaliyay labada gool ee qeybtii labaad

Salah ayaa ciyaartiisii ugu dambeysay ee Champions League

Salah ayaa ciyaartiisii ugu dambeysay ee Champions League u ciyaaray Liverpool, kadib markii uu kursiga keydka ka soo galay qeybtii hore si uu u beddelo Hugo Ekitike, kaasoo la filayo inuu maqnaado inta ka harsan xilli ciyaareedka sababo la xiriira dhaawac ka soo gaaray seedaha cagta

Xiddigan 33-jirka ah ayaa horey u xaqiijiyay inuu ka tagayo

Xiddigan 33-jirka ah ayaa horey u xaqiijiyay inuu ka tagayo Liverpool marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan isagoo si xor ah u bixi doona, halka Andy Robertson uu sidoo kale ka tagayo Anfield xagaagan isagoo xor ah ku baxaya Arne Slot ayaa qirtay in Liverpool ay wajahayaan “caqabado waaweyn” suuqa kala iibsiga ee soo socda, wuxuuna tilmaamay in kooxda laga yaabo inay khasab ku noqoto inay iska iibiso qaar ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee safka hore ka hor inta aysan sameyn saxiixyo cusub

Waxaan u maleynayaa in arrintan wax badan laga hadlay waayadan dambe, sidoo kalena dad badan ay ka hadleen sannadkan gudihiisa in kooxdu ku jirto marxalad isbeddel,” ayuu yiri Arne Slot, isaga oo la hadlay Amazon Prime kadib guuldarradii Liverpool ka soo gaartay Anfield waxaan iibinay siddeed ilaa toban ciyaaryahan si aan lacag u soo celinno, si aan ugu soo iibsanno afar, shan ama lix ciyaaryahan oo tayo sare leh

Hadda waxaan luminay Mohamed Salah iyo Andy Robertson oo si xor ah  ku baxaya, sidaan horay ugu luminay Trent Alexander-Arnold oo isna bilaash ku baxay. Qaabka ay kooxdu u shaqeeyo wuxuu ka dhigan yahay in badanaa aan iibino si aan wax u iibsanno

Post a Comment

0 Comments