Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo si adag uga digay firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan sii xoogeysanaysa Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan ku shaqeyneyso “waqti amaah ah”,
Isla markaana ay wajahday fursado kooban
Isla markaana ay wajahday fursado kooban oo khatar badan si ay u fuliso qorshayaal hore loogu bixiyay dadaal iyo maalgelin ballaaran wuxuu intaas ku daray in ay jirto mudo hal bil ah oo kaliya oo Madaxweynaha uu ku fidin karo gogol inuu ku kulmiyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo gaaro heshiis midaysan oo ay wada aqbalaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda
Waxaan ku jirnaa marxalad adag oo ay ka dhalatay
Waxaan ku jirnaa marxalad adag oo ay ka dhalatay firaaqa dastuur iyo hubanti la’aan siyaasadeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya maanta waxay ku shaqaynaysaa waqti amaah ah, iyadoo haysata fursado kooban oo khatar badan leh si ay u fuliso ajandayaasha ay ku bixisay dadaal iyo maalgelin weyn, Haddana weli waxaa harsan hal bil oo Madaxweynaha uu ku kulmin karo dhammaan daneeyayaasha
Si loo gaaro heshiis midaysan oo ay aqbalaan dhammaan dhinacyadu, Markan waxaa lagama maarmaan ah in xoogga la saaro sidii loo joojin lahaa wareegga halis ah ee soo noqnoqda, kaas oo ah in awoodda la shakhsiyeeyo marka uu dhammaanayo xilliga xilka" ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X
Sidoo kale, Sharmarke ayaa hoosta ka xarriiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “wareeg halis ah oo soo noqnoqda”, oo ah in awoodda siyaasadeed la shakhsiyeeyo marka la gaaro dhammaadka muddada xilka ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay madaxda iyo daneeyayaasha siyaasadda inay diiradda saaraan xal waara oo lagu xoojinayo hannaanka dastuuriga ah iyo xasilloonida dalka.

0 Comments