PSG Oo Garaacday Bayern Munich Kadib Kulan Waali Ahaa Oo La Kala Dhaliyay 9 Gool

PSG Oo Garaacday Bayern Munich

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa gaartay guul xiiso 

 Kooxda Paris Saint-Germain ayaa gaartay guul xiiso badan kadib markii ay 5-4 kaga adkaatay martideeda Bayern Munich lugta hore ee semi-finalka UEFA Champions League, kulan ka dhacay garoonka Parc des Princes. Lugta labaad ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Allianz Arena 6-da May

Bayern Munich ayaa ciyaarta ku hormartay gool

Bayern Munich ayaa ciyaarta ku hormartay gool uu rigoore ku dhaliyay Harry Kane daqiiqadii 17aad. Laakiin PSG ayaa barbaraha keentay daqiiqadii 25aad, gool uu dhaliyay Khvicha Kvaratskhelia, caawin uu ka helay Doi daqiiqadii 33aad, PSG ayaa hoggaanka la wareegtay markii João Neves uu madax ku dhaliyay kubad ka timid koorne

Si kastaba, Bayern ayaa markale barbaro keentay

Si kastaba, Bayern ayaa markale barbaro keentay daqiiqadii 41aad gool uu dhaliyay Michael Olise PSG ayaa markale hormartay gool saddexaad oo uu rigoore ku dhaliyay Ousmane Dembélé daqiiqadii 45+2, kadib markii VAR la adeegsaday laguna helay gacanta Alphonso Davies Qaybtii labaad, Khvicha Kvaratskhelia ayaa dhaliyay goolkii afaraad ee PSG, kadib caawin uu ka helay Achraf Hakimi

Kadibna Ousmane Dembélé ayaa ku daray goolkii shanaad daqiiqadii 59aad, caawin uu ka helay Doy Bayern Munich ayaa isku dayday inay soo laabato, waxayna dhalisay goolkii saddexaad daqiiqadii 65aad oo uu dhaliyay Dayot Upamecano. Intaas kadib, Luis Díaz ayaa dhaliyay goolkii afaraad daqiiqadii 70aad, kaas oo la xaqiijiyay kadib dib-u-eegis VAR ah

Ugu dambayn, ciyaartu waxay ku soo idlaatay guul 5-4 ah oo ay gaartay Paris Saint-Germain

Post a Comment

2 Comments

  1. Kooxda keliya aan taageero guuul ayaan u rajeynayaa

    ReplyDelete
  2. kooxda ugu wanaagsan guul ayaan u rajeynayaaa

    ReplyDelete