Sababha Keentay Bur-Burka Arsenal Ee Prmeier League.


Arsenal

Boor weyn oo ay taageerayaasha Manchester City 

 Boor weyn oo ay taageerayaasha Manchester City ka fidiyeen qeybta South Stand ee garoonka Etihad Axaddii ayaa si fiican u muujisay xaaladda, iyadoo lagu qoray: “cabsi ayaa ka jirta wadooyinka woqooyiga London.” Kadib guuldarro 2-1 ah oo ay kala kulmeen kooxda ay horyaalka kula tartamayaan, Arsenal hadda waxay kaliya 3 dhibcood ka horreeyaan City—iyagoo hal kulan ka badan ciyaaray

Natiijadaas darteed, haddii City ay ka adkaato Burnley

Natiijadaas darteed, haddii City ay ka adkaato Burnley kulanka ka dhici doona Turf Moor , waxay noqon doonaan hoggaamiyeyaasha horyaalka iyagoo ku hormari doona farqiga goolasha, iyadoo 5 wareeg ay harsan yihiin arrintu runtii waa mid layaab leh. Wax ka yar bil ka hor, Arsenal waxay 10 dhibcood ka horreysay kadib guul 2-0 ah oo ay ka gaareen Everton

Taasoo keentay in garoonka Emirates uu farxad la ruxmo

Taasoo keentay in garoonka Emirates uu farxad la ruxmo. Taageerayaashu waxay dareemeen in abaarta 22-ka sano ee horyaalka ay soo dhowdahay inay dhammaato hadda, taageerayaasha Gunners waxay ka baqayaan burbur kale oo ku yimaada tartanka horyaalka, maadaama kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay lumiyeen labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka Doodda ka dhalatay ciyaartii Etihad waxay inta badan diiradda saartay Arsenal

Taas oo la fahmi karo. Si kastaba, Pep Guardiola iyo City ayaa leh qayb weyn oo cadaadiska keenay inkasta oo City aysan ahayn kooxdii ugu fiicneyd ee Guardiola, haddana wali waa mid aad u adag. Waxay xilli ciyaareedkan ku hareen UEFA Champions League kadib markii ay ka reebtay Real Madrid oo uu hoggaaminayay Alvaro Arbeloa. Sidoo kale waxay lumiyeen 5 kulan oo horyaalka ah—taas oo hore aan la fileyn

Laakiin tan iyo markii ay ka adkaadeen Manchester United bishii January, City ma aysan lumin kulan horyaalka ah. Waxay sidoo kale u dhowdahay inay ku guuleystaan saddexley koobab ah Guardiola waxaa caawiyay saxiixyada cusub sida Marc Guehi iyo Antoine Semenyo, wuxuuna horumariyay ciyaartoy sida Abdukodir Khusanov iyo Nico O’Reilly, sidoo kale wuxuu si fiican u adeegsaday hibada Rayan Cherki

Post a Comment

0 Comments