Kooxda Daacish ISIS ayaa kordhisay weerarrada
Kooxda Daacish ISIS ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah ciidamada Puntland, iyadoo habeenadii ugu dambeeyay weerarro kala duwan ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, sida ay sheegayaan ilo amni wararka ayaa tilmaamaya in dagaalamayaal ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen deegaanka Dhaadaar, oo hore looga saaray gacantooda bishii Febraayo 25, 2025
Xilli uu socday wejigii labaad ee hawlgalka Calmiskaadilo
Xilli uu socday wejigii labaad ee hawlgalka Calmiskaa dilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ujeeddada weerarkaasi ay ahayd in lagu gubo ceel biyood cusub oo maamulka Puntland ka hirgeliyay halkaas, balse ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ka hortageen weerarka, isla markaana fashiliyeen qorshahaas. Saddex askari ayaa ku dhaawacmay weerarka
Weerarkan ayaa yimid wax yar kadib markii AFRICOM
Weerarkan ayaa yimid wax yar kadib markii AFRICOM ay duqeymo ka fulisay isla gobolka, kuwaas oo lagu beegsaday koox ka tirsan Daacish oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro gaadmo ah dhanka kale, Togga Jaceel, weerar jidgal ah ayaa lagu qaaday ciidamo watay dhaawacyadii laga soo qaaday dagaalkii Dhaadaar ilo deegaanka ah ayaa sheegay in gurmadyo loo fidiyay ciidamadaasi
Hase yeeshee faahfaahin buuxda weli lama helin, maaddaama ay jiraan caqabado dhanka isgaarsiinta ah waxaa la xaqiijiyay geerida askari lagu magacaabo Ayaanle Tilikh, oo hore uga mid ahaa saraakiishii ku dhaawacantay dagaallo ka dhacay deegaanka Bakhtiwayne waxayna Daacish gubtay gaari ciidan oo ay la socdeen askarta jidka loo galay
Dhacdooyinkan soo noqnoqday ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan cabashooyin la xiriira hoos u dhac ku yimid hawlgalladii ciidamada Puntland ee aagga Calmiskaad, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in caqabado ay ka mid yihiin dawo, shidaal iyo saanad yari ay saameyn ku yeesheen howlgallada Calmiskaad
Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni ayaa dhacdooyinkan kaddib magacaabay taliye cusub oo hoggaamiya hawlgallada aagga Calmiskaad, kaas oo lagu magacaabo Mahamuud Shire Maxamed, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda
Kooxda Daacish ISIS ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah ciidamada Puntland, iyadoo habeenadii ugu dambeeyay weerarro kala duwan ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, sida ay sheegayaan ilo amni. pic.twitter.com/yjjywgkHdA
— Somalia Today (@SomaliaToday24) April 22, 2026

2 Comments
Argixisada waqtigeedii waa dhamaaaday
ReplyDeleteargigixisda waa in godadkoodi loogu galaa
ReplyDelete