Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo iskaashiga
Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland, Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Puntland inay faragelin ku hayso mashaariicda ay maamulaan wasaaradaha dowladda Daa’uud Maxamed Cumar oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa wareysi uu bixiyay
Wuxuu ku sheegay in madaxda sare ee Puntland
Wuxuu ku sheegay in madaxda sare ee Puntland ay isku khilaafeen habka loo maamulayo shaqooyinka mashaariicda ay maalgelinayaan Bankiga Adduunka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah wuxuu tilmaamay in lagula dagaalamay oo uu xilkiisa ku waayay inuu si caddaalad ah oo loo siman yahay u maamulay shaqooyinka mashaariicda ee lasoo dhajiyo halka uu ku eedeeyay Madaxtooyada inay doonayso in dad gaar ah oo ay wadato laga shaqaaleysiiyo mashaariicda hoostaga Wasaaradda Qorshaynta
Reerkayga oo qaarkood haysta shahaadada PhD
Reerkayga oo qaarkood haysta shahaadada PhD oo shaqo la'aan ah, ayaa jooga, haddana shaqooyinka waan ku qari karay. Mashruuc aan si gaar ah ugu qoray cidna ma jirto. Mashaariic ka socda Puntland oo ku kacaya 25 milyan oo dollar ayaan ku mutaystay eedeyn iyo in la iga hor yimaado,” ayuu yiri Daa’uud Maxamed Cumar
Wuxuu sheegay inuu marar badan kala hadlay Madaxweyne Deni cabashada uu ka qabo arrintan, balse wuxuu sheegay in aan wax tallaabo ah laga qaadin. Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu reer Puntland cadow uga dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya, illaa uu gaaro in qofkii Xamar aada loo aqoonsado dambiile
Dhawaan ayay ahayd markii shaqo joojin lagu sameeyay wasiirkan, kaddibna uu xilka wareejiyay todobaadkii hore, iyadoo madaxtooyada Puntland ay joojisay in la sii daayo khudbad dhaliil ah oo uu jeediyay markii uu xilka wareejinayay
Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland, Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Puntland inay faragelin ku hayso mashaariicda ay maamulaan wasaaradaha dowladda. pic.twitter.com/D1HxnlmI3E
— Somalia Today (@SomaliaToday24) March 12, 2026

0 Comments