Maamulka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay
Maamulka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay weerar ay ku eedeeyeen in saaka aroortii hore lagu qaaday xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo ku sugnaa hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid “ugub ku ah dowladnimada Soomaaliya
War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay
War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in abbaaro 3:00am weerar lagu qaaday xildhibaannada iyo senatarada Puntland ku metela labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deganaa Hotel Airport ee Muqdisho. Puntland waxay sheegtay in falkaasi uu ku lug lahaa jirdil iyo afduub
Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in la afduubtay
Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in la afduubtay la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha bulshada, Axmed Cabdi Hurre, oo ay ku eedeeyeen in si sharci darro ah loo kaxeystay Puntland waxay ku adkeysatay in aanay jirin wax dacwad ama eedeyn sharci ah oo loo hayay xildhibaannada, isla markaana aan la marin hannaan sharci ah kahor inta aan la qaadin tallaabada
Falkan waa mid dhaawacaya nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka maamulka Puntland ayaa mas’uuliyadda wixii ka dhasha dhacdadan dusha ka saaray Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay dowladda federaalka oo ku saabsan eedeymahaasi
Warkan ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta loo madlan yahay in ay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya yeeshaan fadgi guud oo ku saabsan cod u qaadida wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka in ka badan 30 xildhibaan oo kasoo jeeda Puntland oo ay ku jiraan kuwa Puntland ay sheegtay in laga afduubtay hoteelkooda ayaa diiday wax ka beddelka dastuurka

0 Comments