Puntland: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu burburiyay awooddii iyo sumcaddii baarlamaanka Soomaaliya

baarlamaanka Soomaaliya

Puntland ayaa ku eedeysay madaxweynaha Soomaaliya

 Puntland ayaa ku eedeysay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, inuu si kelitalisnimo ah u adeegsaday awoodda xafiiskiisa, isla markaana uu wiiqay hanaanka federaalka dalka, kaddib shir wadatashi ah oo ka dhacay magaalada Garoowe war-murtiyeed ka soo baxay shir uu guddoomiyay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sii xumaanayso

Iyadoo lagu eedeeyay madaxweynaha Dowladda federaalka

Iyadoo lagu eedeeyay madaxweynaha Dowladda federaalka in uu burburiyay awooddii iyo sumcaddii baarlamaanka, isla markaana uu si hal dhinac ah ugu dhaqaaqay wax ka beddelka dastuurka ku-meel-gaarka ah shirka, oo ka qabsoomay madaxtooyada Puntland, waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Puntland, guddoomiyaha golaha wakiillada iyo ku xigeenkiisa, iyo inta badan xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ku matala Puntland

Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa uga qeyb galay

Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa uga qeyb galay hab fogaan arag ah, kaddib markii Dowladda Federaalka joojisay safarradooda Garowe Puntland waxay ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka federaalka haddii aan loo marin hannaan heshiis lagu yahay xildhibaannada ka soo jeeda Puntland ee ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ayaa iyaguna caddeeyay inaysan qeyb ka ahayn wax ka beddelka ay ku tilmaameen mid sharci darro ah

War-murtiyeedka ayaa xusay in muddo xileedka madaxweynaha federaalka uu ku egyahay 15-ka May 2026, halka kan baarlamaanka uu ku egyahay 14-ka Abriil 2026, iyagoo ku baaqay in heshiis laga gaaro habka doorashada ka hor dhammaadka muddadaasi si looga hortago firaaqo dastuuriga ah iyo qalalaase amni

Puntland waxay sheegtay in haddii aan la gaarin heshiis doorasho oo waafaqsan dastuurka ka hor dhammaadka muddada baarlamaanka, ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso hannaan lagu badbaadinayo geeddi-socodka dowladnimada iyo midnimada dalka

Post a Comment

0 Comments