Isbeddel dhab ah wuxuu ka bilaabmaa daahfurnaan
Isbeddel dhab ah wuxuu ka bilaabmaa daahfurnaan iyo mas’uuliyad wadajir ah Soomaaliya waxay maraysaa marxalad u baahan isla-xisaabtan dhab ah waa muhiim in dowladda federaalka ay la timaado qorshe cad oo ku saabsan doorashooyinka iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada murannada dhuleed ee Muqdisho iyo cabashooyinka muwaadiniinta waa in si cadaalad ah loo wajahaa, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka
Sidoo kale amniga iyo dhaqaalaha dalka waa tiirarka
Sidoo kale amniga iyo dhaqaalaha dalka waa tiirarka horumarka haddii aan wax laga qaban, mustaqbalka jiilasha soo koraya halis ayuu ku jiraa Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan ku shaqeeya hufnaan iyo isla-xisaabtan waa waqtigii la shaacin lahaa jadwal cad oo doorashooyin Dib-u-dhaca iyo ka-muquurashada dejinta ajandaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo doorashada madaxweynaha Faragelinta dibadda iyo saameynta ay ku leedahay go’aannada dowladda federaalka
Sii xumaanshaha amniga gobollada kala duwan
Sii xumaanshaha amniga gobollada kala duwan, oo ay ku jiraan iska-horimaadyada ka dhacay koonfur galbeed iyo hoos u dhaca dhaqaalaha iyo xaaladda nololeed ee bulshada Soomaaliyeed Xaqiijinta ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyada oo aan la kala soocin Golaha Mustaqbalka somaliyeed ayaa shaaciyay in toban bisha Abril uu fidin doono gogol ay ku sheegeen mid lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, kaddib markii ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya uu diiday in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka
Isla markaana muddo-xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka uu ku egyahay 14-ka Abriil, ay 10-ka Abril Golaha Mustaqbalka wuxuu sidoo kale ka hadlay muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman doorashooyinkooda, taas oo ay sheegeen in ay caqabad ku tahay in dalka si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed
Golaha wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah, iyadoo la raacayo dastuuradooda iyo mabaadi’da kala-soocidda awoodaha ee Dastuurka Federaalka

0 Comments