Ciidamada Dowladda oo Dilay Sarkaal Sare oo Al-Shabaab ah kuna eedeysnaa Weerarro ka dhaca Muqdisho

Ciidamada Dowladda

Dowladda Federaalka Soomaaliya

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu tuhunsanaa inuu ka dambeeyay weerarro argagixiso oo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii 2025 hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ninka la dilay uu watay magacyo kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen Kamaludin Yoonis Maxamed, Salim Nur Sheekh Cabdiraxiin, Caraale, iyo Cabdullaahi Xasan Cali

Sida lagu sheegay warka, sarkaalkan ayaa ahaa

Sida lagu sheegay warka, sarkaalkan ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday xabsiga Godka Jilacow 4-tii Oktoobar 2025 sidoo kale, NISA waxay sheegtay inuu ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Akadeemiyadda Jaalle Siyaad 9-kii Luulyo 2025, iyo weerarkii lagu qaaday Dugsiga Tababarka Jeneraal Dhega-Badan (Xero Nacnac) 10-kii Diseembar 2025

Hay’addu waxay xustay inuu si toos ah u maamulayay 

Hay’addu waxay xustay inuu si toos ah u maamulayay unugyo fulin jiray weerarradan howlgalka lagu dilay sarkaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib howlgal ballaaran oo ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya ciidamo ka socda Uganda oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale Howlgalka lagu bartilmaameedsaday fariisimo Al-Shabaab ku lahayd gobolka

NISA waxay sheegtay in dabagalka sarkaalkan uu socday in ka badan shan bilood, isla markaana uu marar badan ka dhuumanayay goobo ay dad rayid ahi degan yihiin sida Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaarey iyo Gendershe hay’addu waxay sheegtay in inta howlgalka socday si gaar ah loo ilaalinayay badbaadada shacabka

Dowladdu waxay tilmaantay in howlgalkaasi uu ahaa mid looga aar-gudayay dhiigga dad rayid ah, askar iyo saraakiil ku dhintay weerarradii uu hoggaaminayay ninkan

Ugu dambeyn, NISA waxay sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah, iyadoo shacabka looga baaqay inay laamaha ammaanka la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxda

Post a Comment

0 Comments