Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka,
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan gobollada Mudug iyo Hiiraan
Sida lagu sheegay Bayaan ay soo saartay NISA
Sida lagu sheegay Bayaan ay soo saartay NISA, Howlgalladan ayaa lagu dilay in ka badan 22 dhagarqabe oo abaabulayay weeraro lid ku ah amniga shacabka howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen Dagaalamayaal iyo hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab
Waxaa halkaas lagu dilay 15 xubnood oo ay ku jiraan
Waxaa halkaas lagu dilay 15 xubnood oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha Xudeyfa Galinle, Qataatow, Cabdiraxmaan Garwayne, Daahir, iyo Cabdiwali war saxaafadeedka NISA ayaa dhanka kale looga hadlay howlgallo ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan kaa lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal iyo dagaalamayaal ilaalo u ahaa Mustaf Caato, hoggaamiyaha Al shabaab ee gobolka
Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay toddobo (7) dagaalame oo ay ku jiraan laba hoggaamiye oo muhiim u ahaa maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa Qaliif Muumin Sabriya iyo Cismaan Cabdulle Faarax, Sidoo kale, howlgalkan waxaa lagu burburiyay gaadiid ay isticmaali jireen hoggaamiyeyaashan
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan gobollada Mudug iyo Hiiraan pic.twitter.com/9pruy8jlg1
— Somalia Today (@SomaliaToday24) March 14, 2026

2 Comments
Ciidamada dowladad marwalba waxay u taagan yihiin sugida amniga iyo in ay ka hortagaan kooxaha argigixisada
ReplyDeleteKooxda alshabab waxay la wareegeen meelihii laga saaray halka dowladii ay ku mashquushay mudo kordhin iyo wax aan hada loo joogin
ReplyDelete