Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si cad
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si cad u diiday wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in habka lagu fuliyey uu jebiyey shuruucda dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba meelood laba (2/3) ee labada Aqal
Golahu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay
Golahu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay heshiis bulsho oo aasaas u ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, laguna beddeli karin rabitaan siyaasadeed oo cid gaar ah ama koox yar leedahay wax-ka-beddel kasta waa in lagu sameeyaa hab sharci oo cad, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay
Wadatashi dadweyne, iyo u hoggaansanaan buuxda
Wadatashi dadweyne, iyo u hoggaansanaan buuxda oo la siiyo habraacyada dastuurka ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay goor dhow kasoo saareen magaalada Muqdisho saacado kadib markii Baarlamaanka uu ansixiyay Dastuurka cusub
Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale ka horyimid wax-ka-beddelkan, halka in ka badan 50 xildhibaan laga hor istaagay inay ka qayb-qaataan doodaha Baarlamaanka. Siyaasiyiinta mucaaradka ah, oo ay ku jiraan madax hore iyo hoggaamiyeyaal saamayn leh, ayaa iyaguna si cad u diiday hannaankan
Goluhu wuxuu carabka ku adkeeyay in dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush, ama habraac ka leexsan sharciga aanu noqon karin dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo
War saxaafadeedka Golaha kasoo baxay ayaa la raaciyay in Mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan dastuurba ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hormuud ka ah hannaanka lagu beddelayo dastuurka si xoog iyo laaluush ah
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu sheegay in dalka u baahan yahay midnimo qaran, wadajir siyaasadeed, iyo hoggaan mideeya shacabka, isla markaana hannaanka sharci-darrada ah uu halis gelinayo Midnimada qaranka iyo wadajirka bulshada, Isku-duwidda dadaallada la-dagaallanka argagixisada, Suurtagalnimada heshiis doorasho oo loo dhan yahay, Guulihii nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada
Ugu dambeyn Golaha ayaa ugu baaqay Dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda, inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka, sidoo kale Hoggaamiyeyaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah, iyo qurbo-joogta inay ka dhiidhiyaan jebinta dastuurka, iyadoo aamusnaanta waqtigan loo arki karo oggolaansho dadban ayna Beesha caalamka si cad oo fagaare ah ugu muujiyaan in wax-ka-beddel kasta oo dastuur uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu mar kale caddeeyay inuu aqoonsan yahay Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012, kaasoo ah saldhigga midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka Baarlamaaniga, iyo doorashooyinka afarta sano mar, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo si sharci ah, loo dhan yahay, loona maro heshiis qaran oo dhab ah

0 Comments