Maxay tahay maadada sunta ah ee ku jirta kalluunkaan aad ka ay u isticmaasho Soomaalidu?

kalluunka

 Saynisyahanno ayaa sheegay in wali meerkuriug

 Saynisyahanno ayaa sheegay in wali meerkuriug uu ku jiro kalluunka nooca Tuunaha loo yaqaanno tobanaan sanno kadib markii la iclaamiyay xakamaynta wasakhowga iyo qiiqa hawada Noocan Tuunada ee lagu sheegay in uu leeyahay suntan ayaa ah mid soomaalidu aad isticamasho, badaha Soomaaliyana si badan looga helo Maadadaan kiimikaada ah waxay ka dhalataa qodista iyo gubista dhuxusha, waxayna ugu danbayn ku dhammaataa badda, halkaasoo uu kalluunku ka qaato. Cadadkeeda ayaa hoos u dhacay muddooyinkii danbe, laakiin wali waxay ku hartay kalluunka Tuna tan iyo 1971 kii

Khuburo ayaa sheegay meerkuriga qadiimiga ahi

Khuburo ayaa sheegay meerkuriga qadiimiga ahi in uu yaalo gunta hoose ee badda isagoo ku dhex qulqula biyaha, halkaas oo tunahu dabaasho Meerkuriga gala badda wuxuu isu beddelaa maadada loo yaqaanno methylmercury oo ah nooca ugu halista badan ee kiimikadan Maadadaan waxaa qaata Tuunaha isagoo aan badqabin ayayna aadanahu dabtaan taasoo suntaan ay quutaan markay cunaan tuunaha oo ah mid kamida kalluunada adduunka loogu isticmaalka badanyahay. Tunaha ayaana la iibiyaa in ka badan 3 milyan oo doolar sanadkii

Meerkuriga ayaa sidoo kale halis ku ah kalluunka

Meerkuriga ayaa sidoo kale halis ku ah kalluunka ugxaanta ah ee aan dhallan wali; wuxuuna xanuuno ku sababaa dhanka wadnaha kalluunka noociisa koray walaac laga muujiyay suntaan ayay dowladdaha caalamku go’aansadeen in ay yareeyaan howlaha kimikooyinka washakhaysan sii daaya Xanibaadda howlahaan qaar kamida ayaa sababay inu hoos u dhaco heerka qiiqa hawada 90% tan iyo 1990kii si loo ogaado in tallaabooyinkaan la qaaday ay saamayn ku yeesheen heerarka meerkuriga ee Tuunada, cilmibaarayaashu waxay baadheen ku dhawaad 3,000 oo muruq Tuna ah oo laga kala keenay kalluunka lagu qabtay Badweynta Hindiya, tan Baasiifiga, ilaa iyo Atlantic ga

Kuwaas oo wadar ahaan u dhigan 94% kalluunka la qabto adduunka Daraasadda cusubi waxay ka hor imanaysaa cilmibaadhisyo kale oo muujinaya heerka meerkuriga kalluunka oo hooseeya noocyada tunaha qaarkood waxaan haynaa xog badan, sanado badan oo aan isu eegaynay noocyo badano oo cabiro kala duwan oo kalluun ah,” ayuu yidhi Anais Medio, oo ah hoggaanka cilmibaadhistaan oo ka socda Machadka Qaran ee Cilmibaadhisyada horumarka waara

Tani aad bay muhiim u tahay sababtoo ah meerkurigu wuxuu noolaanayaa inta lagu jiro [inta uu nool yahay] xayawaanka." "Sidaas darteed haysashada noocyo kala duwan iyo cabir kala duwan oo kalluun ah waa muhiim saynisyahannada ayaa helay in meerkuriga cabirkiisa ee tunaha ku jira uu yahay mid joogto ah inta u dhexeysay 1971 dii illaa 2022 kii, kaas oo marka laga tago waqooyiga koonfurta badweynta Baasifiiga sare u kacay dhammaadkii sagaashameeyadii taas oo lala xidhiidhiyay kordhinta qiiqa meerkuriga ee Aasiya taas oo ay sababtay isticmaalka dhuxusha

Cilmibaadheyaashu waxay sheegeen in jiritaanka joogtada ah ee meerkuriga ay sababi karto wasakhowga qarniyo ka hor dhacay waxaa jira cadad badano oo meerkuri qadiimi ah oo yaala gunta badda ka hooseysa dhulka. Noocan qadiimiga ahi waxuu ku qasmaa dusha sare ee badda, halkaas oo kalluunku dabaasho oo uu quutana. Sidaas darteed waxaa si joogta ah u jira meerkurigaan taariikhiga ah kaas oo abuurmay qarniyo ka hor.

Post a Comment

0 Comments