Intee le'eg yahay kaydka shidaalka ee Venezuela

shidaalka ee Venezuela

Saacado kadib markii milatariga Maraykanku

 Saacado kadib markii milatariga Maraykanku ay xireen Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro, Madaxweyne Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu ka faa'iidaysan doono kaydka shidaalka ee dalkaas Koonfurta Ameerika ku yaalla waxaan ka codsan doonnaa shirkadaha waaweyn ee shidaalka Maraykanka, kuwa ugu waaweyn dunida, in ay isku diyaariyaan inay maalgelin balaayiin doolar ku sameeyaan, si ay u dayactiraan kaabayaasha aadka u burburay kaabayaasha shidaalka iyo inay bilaabaan soo saarista dakhliga dalka," ayuu Trump ka yiri shir jaraa'id oo maalintaas uu qabtay

Hadallada Trump waxay ku soo beegmayaan xilli suuqa

Hadallada Trump waxay ku soo beegmayaan xilli suuqa shidaalka caalamku uu wajahayo dalab badan, qiimaha shidaalku waa mid hooseeya marka la eego, sida ay tahay saadaasha muddada-dheer iyo baahida shidaalku ay sii noqoneyso mid aan caddayn maaddaama dunidu u wareegayso baabuurta ku shaqeeya koronto Shidaalka Venezuela ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 303 bilyan oo fuusto, waxa ayna ka dhigan tahay in ay haysato kaydka shidaalka ee ugu badan dunida inta la xaqiijiyay, taas oo noqoneysa "qiyaastii 17% wadarta guud ee shidaalka caalamka," sida uu sheegay Gideon Long, oo ah wariye ka tirsan BBC Money and Work

Sacuudi Carabiya ayaa ku jirta kaalinta labaad

Sacuudi Carabiya ayaa ku jirta kaalinta labaad iyadoo leh 267.2 bilyan oo foosto, waxaana ku xiga Iiraan oo leh 208.6 bilyan oo foosto iyo Ciraaq oo leh 145 bilyan oo foosto, sida ay sheegtay Ururka Dalalka Dhoofiya Shidaalka (OPEC). Afartan dal marka la isu geeyo, waxay ka kooban yihiin in ka badan kala bar kaydka shidaalka adduunka Si kastaba ha ahaatee, wax-soo-saarka hadda ee Venezuela waa mid aad u yar marka loo eego kaydkeeda bishii Nofeembar, dalka ayaa soo saaray qiyaastii 860,000 foosto maalintii, sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee suuqa shidaalka ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta (IEA

Tani waxay ka dhigan tahay wax ka yar saddex meelood meel wax-soo-saarkii ay lahayd toban sano ka hor, iyo wax ka yar 1% isticmaalka shidaalka caalamkaMarka la barbar dhigo, Maraykanka wuxuu soo saaraa qiyaastii 13 milyan oo foosto maalintii, sida ay sheegtay Hay'adda Macluumaadka Tamarta ee Maraykanka (EIA) kaydka Venezuela badankiisu waxa uu ka kooban yahay waxa loogu yeero saliidda adag ee aasidka leh, kaas oo ka adag in la nadiifiyo marka loo eego shidaalka khafiifka ah, balse inta badan loo adeegsado samaynta naaftada iyo daamurka

Dhibaatada ugu wayn ee loo tiiriyo hoos u dhaca shidaalka Venezeuela ayaa inay warshadaha ugu ee uu dalkau leeyahay ina ay ku yaallaan Dhanka Bari ee dalka, waxaana lala xiriiriyaa inuu yahay gobolkaas gobol aan la awoodin in la gaaro, intiisa bandanna ay ku hareereesan yihiin kaymo, waana waxa adkeenaya in lasoo saaro shidaalkaas", ayuu yiri Mr. Long

Post a Comment

0 Comments