Soomaaliya oo mar kale tallaabo hor leh u qaadday hannaanka dhaqaalaha caalamka

Soomaaliya

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in laga daayo 99% deynta

 Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in laga daayo 99% deynta ay ku lahaayeen xubnaha dalalka deymaha bixiya ee Paris Club, sida uu shalay sheegay the Paris Club, waana guulo waaweyn oo laga gaaray dadaallada ay Soomaaliya oo ay dagaallo sokeeye ragaadiyeen ugu jirtay inay dib ugu soo laabato hannaanka dhaqaalaha ee caalamiga ah dalalka Mareykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan $2 bilyan oo deymaha Soomaaliya ah, the Paris Club, oo ah guddi hoos taga wasaaradda maaliyadda Faransiiska oona xogheyn u ah dalal badan oo deymaha bixiya, ayaa sidaasi ku yiri war uu soo saaray

Soomaaliya oo Geeska Afrika ku taalla ayaa loo ogglaa 

Soomaaliya oo Geeska Afrika ku taalla ayaa loo ogglaa in laga cafiyo in ka badan $4.5 bilyan oo deyn ah dhammaanba dalalka deymaha bixiya kaddib kadib markii December ay gaartay dhammaadka howlaha deyn-cafinta oo ay korjoogto ka ahaayeen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka Soomaaliya oo gaartay "Barta Dhammeystirka" Howsha Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Badan lagu Leeyahay (HIPC), ayaan qeyb ka ahayn hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah in ka badan 30 sano oo ay hareeyeen xasilooni-darro iyo dagaal sokeeye

Dalalka deymaha bixiya ee Paris Club

Dalalka deymaha bixiya ee Paris Club ayaa soo dhoweeyay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sii wadidda hirgelinta istaraatiijiyadda yareynta saboolnimada iyo barnaamijka hanka sare leh ee dib u habeynta dhaqaalaha ee lagu abuurayo aasaasayaasha koboc dhaqaale oo la joogteyn karo oo lagu mideysan yahay," ayuu yiri the Paris Club wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Bixi Imaan Cige, ayaa BBC-da u sheegay in wada xaajood waqti badan qaatay oo ay muddo soo wadeen ugu danbayn ku guulaysteen in dayntii laga dhaafo dalka

Naadiga Paris Club waxay nagu lahaayeen lagac saddex bilyan ka badan, balan qaadka hore wuxuu ahaa inay naga cafiyaan hal bilyan xiligii go,aanka la gaaray sanadkii 2020-kii halkii gunanadka markaan gaarnay bishii December, waxaan ka soo baxnay shuruudihii nagula xiray,waxaa xigaya in hab rasmi ah oo dalalka lagacaha lihi ku dhafaayaan, lagacahaas ay nagu lahayeen si dhammaystiran ayey u oggolaadeen inay naga dhaafeen,” ayuu yiri wasiir Biixi

Tallaabadan ayuu wasiirku ku sheegay inay saldhig u ahayd dowladda Soomaaliya in dalka laga cafiyo dayntii lagu lahaa laakiin waxaa jira dalal kale oo an naadigan ka cafiyey daynta Soomaaliya ku jira oo daymo ku leh Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments