Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo dalka ka mid ah kulanka oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu adkeeyay muhiimadda isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada
Golaha ayaa xusay in loo baahan yahay dadaal mideysan
Golaha ayaa xusay in loo baahan yahay dadaal mideysan si wax looga qabto xaaladaha abaareed ee soo noqnoqday intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta oo ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, Jagadaas waxaa loo magacaabay Liibaan Cabdi Cigaal
Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ka dhageystay
Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Warbixinadaas ayaa ku saabsanaa saameynta bacaadka iyo xaaladda diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka wasaaradda Gaadiidka ayaa shaacisay in shaqada laga joojiyay qaar ka mid ah diyaaradaha aan buuxin shuruudaha badqabka
Iyadoo la magacaabay guddi baaritaan iyo talo-bixin ka soo diyaarin doona tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay saddex axdi oo caalami ah oo muhiim u ah ilaalinta badaha iyo iskaashiga caalamiga ah, kuwaas oo kala ah Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Magdhowga Wasakheynta Shidaalka (1992), Axdiga Iskaashiga Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliidda (1990) iyo Axdiga Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972)
Ugu dambeyn, Golaha ayaa meel mariyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo horumarineed si loo xaqiijiyo danaha Qaranka

0 Comments